Askari ka tirsanaa ciidanka bad-baado qaran oo si arxan darro ah loogu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah askartii ciidamada dowladda ee ku biiray ciidanka bad-baado qaran ee kasoo horjeeday muddo kororsiga madaxweynaha ayaa saacadihii lasoo dhaafay meydkiisa laga helay agagaarka Iskuul Buluusiya ee Muqdisho.

Marxuumka oo si arxan darro ah loo dilay ayaa waxaa meydkiisa lasoo dhigay, isaga oo xiran dharka ciidanka god qashin ah oo ku yaalla agagaarka Iskuul Buluusiya.

Qaar ka mid ah ehellada marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Muqtaar (Maxamed Deeqow) ayaa sheegay inay waayeen wiilkooda, kadibna loo soo sheegay in meydkiisa uu yaallo nawaaxiga xerada Generaal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Deeqow ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada nabad sugida, gaar ahaan Unuga Duufaan, waxaana wararka ay sheegayaa in dhawaan looga yeeray taliska hay’adda NISA, si uu dib ugu laabto shaqadiisa, maadaama xal laga gaaray xiisadii ka taagneyd Muqdisho.

Geeridu kala xanuun badan walaalkay aa aduunka ugu jecla mohamed muktar mohamed Mahamed Muqtar ilaahay hakuu naxariisto. Gacan kaa xaqdaran aa ku dishay qabriga ilaahay hakuu waasiciyo kitaabkaaga gacanta midig ilaahay hakaa siiyo, ”ayuu yiri Cabdiraxmaan Muqtaar Maxamed oo ay walaalo yihiin marxuumka.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan falkan dilka ah ee loo geystay marxuum Maxamed Muqtaar Maxamed Deeqow.

Si kastaba dhacdadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo horey ay mucaaradka uga digeen in la beegsado askarta iyo saraakiisha ka horyimid muddo kordhintii labada sano aheyd ee loo sameeyey madaxweyne Farmaajo, taas oo mar dambe uu ka noqday golaha shacabka.