DF oo dhaliishay shirkadd FAVORI kana fiirsaneysa HESHIISKA ay kula jirto

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dib u eegis lagu sameynayo heshiiskii shirkada Favori kaga howlgashay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasiirka duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, ayaa sheegay in heshiiska  Shirkadda Favori uu dhacayo sanadka soo socdo, waxaana ka hor inta aan la saxiixin mid cusub uu sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono waxqabadka shirkadda.

Wasiirka wuxuu sheegay in shirkada aysan qaban qaar kamid ah qodobadii hore loogu heshiiyay oo ay ku jiraan dhismaha Terminal labaad, dukaamo laga dhiso banaanka garoonka diyaaradaha iyo qodobo kale.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shirkadda ay wax badan qabatay, laakiin aysan dhaqan gelin heshiiskii lala galay 100%, isaga oo sheegay inay jiraan cabashooyin shacabka kasoo gaarayay.

Wasiir Oomaar ayaa xusay in heshiiska cusub ee lala galayo Favori uu noqonayo mid si wanaasgan looga fiirsaday, islamarkaana dib u eegis lagu sameyn doono midka hadda dhamaadka ah.

Sharikadda Favori ayaa Garoonka Aadan Cadde la wareegtay sanadkii 2013kii, waxaana xilligaas jiray muran badan oo la xiriiray in heshiiskaas aan la geyn Golaha shacabka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@live.com