Warqadii uu Mahad Cawad qoray oo keentay in la kala diro guddiga maaliyadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay in la kala diray guddiga miisaaniyada, maalliyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka ee golaha ayadoo gudoonka uusoo dhisi doono gudi cusub.

Warqad kasoo baxday guddoonka oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudeey ayaa lagu sheegay in kala deristan ay ka dambeysay kadib markii xubnaha guddiga ay ku xadgudbeen xeer hoosaadka baarlamanka, islamarkaana khilaaf uu ka dhex dhashay xubnaha..

Muudeey waxa uu yiri waxaan guddiga kala diray

1 – Markii caddaatay khilaafka ka dhex jira guddoonka guddiga, oo gaaray heer fool xun.

2 – Markii ay xubnaha isku khilaafeen golaha hortiisa, oo aaney muuqan wadashaqeyn ay ku guraan waajibkooda,

Caasimada Online ayaa ogaatay labada sabab ay kor ku xusan uu Muudey cuskaday kadib laba warqad oo ay kala qoreen guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad iyo xoghayaha guud ee golaha Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux.

Cawad ayaa warqaddiisa eedeyn ba’an ugu jeediyey xubnaha guddiga, oo ay ka mid ahaayeen xeerar lagu xadgudbay, wada-shaqeyn la’aan xubnaha dhexdooda ah iyo xubno ka mid ah guddiga oo cabasho usoo gudbiyey.

Warqadda Buux soo saaray oo iyana ku timid codsi uu u jeediyey Mahad Cawad, waxaana lagu sheegay in soo gudbinta warbixintii musuq-maasuqa ku eedeysay xukuumadda aan loo marin habraaca saxda ah.

Hoos ka arag warqadda Cawad oo saddex bog ah iyo tan Buux ooh al bog ah.