DF oo dhaqaale siin doonta qaar ka mid ah maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somalia C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhaqaalaha ay Wasaaradiisu ku bixiso maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in dowlada Federaalka ay diyaar u tahay inay garab muuqda siiso maamul Goboleedyada ka jira dalka mudada ay kasoo kabanayaan.

Wasiir Beyle ayaa sheegay inaanu jirin dhaqaale ay siiyaan maamul Goboleedyada leh dekadaha ee uu dakhliga gudaha u soo xaroodo.

Waxa uu Wasiir Bayle sheegay dowladda dhexe kaliya dhaqaale inay siiso Maamul Goboledyada aanan laheyn dakadaha ee ka tirsan dowladda Somalia, iyadoo wixii kasoo hara ay isku maareeyan daqliga uga soo xarooda gudaha.

Beyle wuxuu sheegay kuwa dakadahooda ay shaqeeyaan inay helaan dhaqaale badan oo uga soo xarooda dakadahooda maadaama dowladu aysan heysan dhaqaale ku filan.

Maamul Goboleedyada ay dakadahooda shaqeeyan ayaa waxaa kamid ah Puntland iyo Jubbaland oo dhaqaale badan ka hela dakadaha ku yaal xarumahooda.

Si kastaba ha ahaatee, haddalka Wasiir Beyle ayaa muujinaaya in dowlada Somalia ay qaabab kale ku bixiso dhaqaalaha soo xarooda, waxa ayse su’aashu tahay halkee ayaa la geeya lacagaha badan ee kusoo dhaca dowlada maadaama aan maamulada lasiin dhaqaale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com