Wasiirada uu Waare magacaabay oo durba la qaadacay

Jowhar (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Hogaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada ee maamulka.

Hogaamiye Waare, ayaa sheegay in Golaha Wasiirada uu kusoo xulay la tashi iyo raali ahaanshi dhanka Odayaasha qabaa’ilada iyo baarlamaanka isla markaana uu rajeynaayo inay heli doonaan xushmad wada shaqeeneyd.

Magacaabida Wasiirada kadib ayaa waxaa ka hor imaaday qaar ka tirsan Xildhibaanada baarlamaanka maamulka oo sheegay in wado khaldan loo maray magacaabida.

Xildhibaanada kasoo horjeestay magacaabida ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Cali Ciiley oo sheegay in Hogaamiyaha ay horey ugu heshiiyeen inuu koobi doono Golaha Wasiirada, kuna soo xuli doono qaab cadaalad ah, balse uu ka baxay heshiiska.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in Hogaamiye Waare uu jabiyay dhammaan qodobadii lagu heshiiyay, hase yeeshee ay taa keeni doonto dhibaato.

”Waxaan cadeyneynaa in magacaabida Wasiirada ay tahay mid ku timid si mala awaal ah oo aan loo marin wado sax ah”

”Waxaa lagu dhisay keliya maskaxda Waare taasi maamulka uma noqon doonto wado lagu hago nidaamka u jideysan maamul dhisan”

Haddalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xili Hogaamiyaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu magacaabay Gole Wasiiro oo ka kooban 57 xubnood.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com