Faallo: Golaha maamul goboleedyada maxaa ka qaldan?

By Asad Cabdullahi Mataan

Tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii iyo dagaaladii, Soomaalidu waxay isku dayday bal inay soo dhisato dawlad u hagaajisa wixii ka burburay, dawladdii tan ka horreysay ee xasan shiikh uu madaweynaha ka ahaa waxaa la haray muran, danley iska dhexweyday kuraasta dawladda iyo gacamo shisheeye.

Dawladda hadda dhisan ee uu Farmaajo hogaamiyo sidoo kale waxaa lugaha ku dhagan oo ay ka socon la’ dahay kooxo kala duwan. kooxahaas waxaa ka mid ah kuwa dhawaan sameysmay oo ku shiray Kismaayo ayna ku mideysan yihiin madaxda maamul goboleedyada. sida ay marar badan ka dhawaajiyeena waxay sheegeen inaysan Dawladda dhexe mucaarad ku ahayn ee ay la shaqeynayaan dawladda.

Qodobada ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah in “wixii hindise sharciyeed ah intaan dawladdu u gudbin baarlamaanka ayaga lagala tashadaa”, taas oo micnaheedu yahay haddii aanan ku qanacsaneyn annaga (Madaxweynayaasha Maamulada) inaan loo gudbin karin baarlamaanka.

Cajiib, haddaba waxaan jeclahay inaan dhibaatada meesha kujirta aan halkaan ku bayaamiyo, aana soo bandhigo halka ay wax ka halleysan yihiin.

Sida ku cad dastuurka kumeelgaarka ah, hanaanka dhismaha dawladdu waa:

1) Gole Fulineed ( Madexweynaha/Reysalwasaaraha iyo Golihiisa wasiirada).

2) Gole sharci dajin ( Labada aqal ee barlamaanka).

3) Golaha Garsoorka ( oo aan weli la sameyn, allena og yahay xilliga la sameyn doono).

Ma jirto meel uu kaga qoran yahay dastuurka golaha midowga madaxda maamul goboleedyada.

Xagee wax ka qaldan yihiin:

Golaha sharci dejintu waxay ka yimaadeen Gobolada dalka/Maamulada hadda jira (ama haddii si kale loo dhigo 4.5 oo ah qabiilada somaaliyeed qaabka ay wax ku qeybsadeen), waana wakiilada shacabka gobolda, wixii hindisaha ah oo maamuladu aysan ku qanacsaneyn ayagaa ka hadli kara, ayagaa matala, ayagaana dawladda kala xisaabtami kara wixii qaladaad ah ee jira. Waxaan mararka qaarkood is weydiiyaa madaxda maamuladu miyeysan ku qanacsaneyn wakiiladooda sharci dajinta, mise meesha wax kalaa jira.

Waxaan aad ula yaabay madaxwene Dr. Abdiweli Gaas oo maalin dhaweyd ku doodaya waa in la joojiyaa hindise sharciyeedyo horyaal baarlamaanka dhexe, lana ilaaliyo heshiiskii ay la gaareen dawladda dhowaan, ayagana lasoo marsiiyaa sharciyadaasi.

Madaxweyne Abdiweli maxamed cali intuusan siyaasada somaaliya kusoo biirin wuxuu ahaa aqoonyahan dagan dalka mareykanka waxna kadhiga jaamacad halkaa ku taal, waxaan oran karaa waa ninka ugu aqoon badan ragga madaxda maamulada somaliya hogaamiya xagga shuruucda caalamiga ah. Tusaaale ahaan dalka mareykanka oo uu daganaa wuu yaqaan in gobol walba uu udirsano Washington wakiillo matala shacabka halkaa ku nool, ansixiyana shuruucda dalka oo dhan. Guddoomiyayaasha Goboladu wax shaqo ah kuma laha shruucda dalka, waxaa u jooga wakiiladaas.

Haddaba waxaan garan waayey waxa Dr. Abdiweli ku kallifay inuu u ololeeyo in baarlamaanka iyo dawladda dhexdeeda isbaaro la dhigto.

addunyadaan aan ku noolnahay majiro waddan ku dhismi kara waxa la dhaho “xaal mastuur” oo ah in la garab maro wixii la qortay, xeer jajabna lagu dhaqmo. maalin walba muran taagan ma jiro waddan ku horumari kara.

Haddaba Maxaa Xal ah:

Aniga waxay ila tahay in arrintaan lagu xallin karo laba waddo midkood:

  1. A) In lakala diro golaha Baarlamaanka mar haddii ay raggii goboladooda maamulayey  ay lasoo taagan yihiin annagaa shaqadoodii qabaneyna. waxaan ognahay ugu yaraan in midkiiba uu qaato 1000 dollar marka 275 X 1000 = 275,000 waa lacag badan hala siiyo lacagtaasi ciidamada furimaha dagaalka ku jira, wixii hindisa sharciyeed ahna waxaa wada ansixinaya dawladda dhexe iyo maamul goboleeydaya madaxdooda. Waxaan kulligeen ognahay in wax dakhli ah oo dawladda dhexe kasoo gala Gobolada uusan jirin, wakiillo (xubno baarlamaan) aan wax shaqo ah qabaneynin, lacag intaa le’egna ama ka badan ay ku baxayso waa khasaaro iyo lugooyo aan dhamaad lahayn.
  2. B) Ama In Madaxweynayaasha Goboladu ay ka daayaan dawladda dhexe lugaha ay ku dhagan yihiin kuna rabaan wax aan dhici karin inay marsiiyaan ( Ku Qabso oo ku qadi meyside oo kale).

Marnaba labadaan gole ma wada shaqeyn karaan, waa in midkood meesha kabaxaa. halshaqo laba gole ma wada qaban karaan.

Waxaan leeyahay ragga madaxweynayaasha gobolada ah ilaahay ka baqa, xusuusta inaad maalin uun dhimaneysaan oo la idin galin doono Qabri, aadna hortagi doontaan khaaliqii idin abuuray. Unaxa umaddaan islaamka ah ee dhibaato iyo colaad kasoo daashay, hana horseedina burbur sootaagan oo maalin walba dawladdii la dhisaba Isbaaro udhigta. Iimaan Allaa uurbuuxiyee ha idin deeqdo intaad haysataan.

Waxaan leeyahay shacabka soomaaliyeed, ku cibra qaata waxyaabaha dunida ka dhacaya. Robert Mugabe markuu wax walba ku dayey shacabkiisa muddo dheer ugu danbeyntii waxay dhaheen enough is enough, xarig dheer ayeyna iskaga qabteen. Shacabka Turkigu waxay diideen in xukun milatery uu dib ugu soo noqdo, haddaba walaalayaal waxaa la joogaa xilligii ay shacabka soomaliyeed iska qaban lahaayeen Madax aan wax horumar ah u ogaleyn, Madax carruurtoodii dibadaha ay ku noolyihiin, madax aan wax jixinjix ah ka galeynin shacabka 85% aanan heysan quutul yoomkooda.

Baraarug la’aanta shacabka iyo isku duubla’aantoodu waa tan keentay in raggii shalay badda somaaliya iibsaday ay maanta mashruuc cusub oo United Arab Emirate ay kasoo qaateen ula soo taagan yihiin meel walba.

Waxaan maqaalkeyga kusoo gaba-gabeynayaa Murtidii Abwaankii Somaaliyeed ee Adan Shimbiraleys (Adan Somaali) :

” Tallaalkuu cadawgu Beeray

Taageero Qabiil Ka Haysta

Badaha kuwii Taxaabay

Haddaan Tiir Lagu xireynin

Berrina La Tooganeynin

Tolla’ay Somaaliyeey”.

Xusuusin : Abdiweli gaas waxaan ugu soo halqabsaday asagaa guddoomiye u ah Golahaan ee taladeydu dhamaantoon way kuseysaa. sidoo kale waan ogahay in tirada Barlamaanka iyo lacagaha ku baxaba ay ka badan yihiin intaan sheegay ee waxaan soo qaatay ugu yaraan meesha ugu hooseysa .

Allow Sahal Amuuraha

W/Q: Abdinasir Ali
abdinasir71@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid