Sacuudiga oo dhisaya saldhig militari oo liddi ku ah kan Turkiga ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa lagu wadaa in dhawaan ay dalka Jabouti ka hirgaliso Saldhig Militeri oo laga ilaalin doono dhaqdhaqaaqyada Militery ee lidka ku ah dalka Sacuudiga.

Saldhiga ayaa waxaa ka howlgali doona Militeriga Sacuudiga, waxaana sidoo kale laga ilaalin doonaa dalka Yemen oo ay ku sugan yihiin xulafada ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen.

Dhismaha Saldhiga ayaa sidoo kale loola gol leeyahay in laga ilaaliyo dhaqdhaqaaqa Saldhiga uu dhawaan Turkiga ka dhistay duleedka magaalada Muqdisho, kaa oo loo arko inuu caqabad ku yahay Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Cali Bahdon oo ah Wasiirka Gaashaandhiga Jabuuti ayaa sheegay in dowladiisa ay aad usoo dhaweyneyso heshiiska dhismaha Saldhiga Militery ee Sacuudiga ka dhisan doono Jabouti.

Wasiirka Gaashaandhiga Jabuuti Cali Bahdon, ayaa sheegay in xiriirka Jabuuti iyo Sacuudiga uu yahay mid sii xoogeysan doona, isla markaana uusan ku koobnaan doonin kaliya iskaashiga milatari.

Cali Bahdon, ayaa wargeyska Saudi Arabia ee Asharq al-Awsat, u sheegay in khubarada Sucuudigu horeba u yimaadeen Jabuuti si ay u qiimeeyaan iskaashiga milatari, haddana ay diyaar u yihiin xoojinta howlahooda Militeri.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha Saldhiga uu noqon doono mid irdaha u fura horumar iyo iskaashi hor leh, waxa uuna cadeeyay in Heshiiska ceynkaan ah uu horay u dhacay bishii April.

Waxa uu yiri ”Haddii la dhiso saldhiga militari waxay noqon doontaa qayb ka mid ah iskaashiga milatari ee ka dhexeeya labada wadan, waxaana soo dhaweynaynaa arintaasi”.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadaani ayaa muujineysa salbalaarsi ay wadaan dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka oo labadii sano ee ugu danbeysay dhisanaayay Saldhigyo Militery, xili uu Khilaaf kala dhexeeyo Qadar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com