Rouhani oo shaaciyey xeelad Sacuudiga ay ku qarinayaan laba fashil oo haysta

Tehran (Caasimada Online) – Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa sheegay in Sacuudiga ay abuurayaan xiisad aa jirin oo dalkiisa kala dhaxeysa, si ay ugu daboolaan fashilka haysta dalkaas.

Wareysi uu siiyey taleefishinka qaranka ayuu Rouhani ku sheegay in xiriirka dalkiisa uu la leeyahay dalalka deriska sida Turkiga iyo Pakistan uu horumaray, marka laga reebo Sacuudiga.

“Sacuudiga waxay raadinayaan xiisad ka dhex kacda ayaga iyo Iran, si ay u qariyaan guul darrooyinka ka haysta gobolka iyo dhibaatooyinka gudaha” ayuu yiri Rouhani, oo Sacuudiga ku eedeeyey xiriirka aadka u xun ee ka dhaxeeya labada dal.

“Maanta waxaan xiriir wanaagsan la leenahay dalalka Turkey, Iraq, Afghanistan, Pakistan iyo Qatar, hase yeeshee waxaa dhibaato ay ayaga abuurayaan nagala dhaxeysaa Sacuudiga” ayuu sii raaciyey.

“Sacuudiga waxay raadinayaan inay xaliyaan laba dhibaato oo aas aasi ah. Waxay ku guul darreysteen Qatar, waxay ku guul darreysteen Iraq, Syria iyo ugu dambeyn Lebanon” ayuu yiri.

“Sababta labaad waa xaaladda gudaha Sacuudiga oo aad u kacsan iyo khilaafyo xooggan oo dhexdooda u dhaxeeya, sidaas darteed Iran ayay cadow ka dhiganayaan si ay u qariyaa guul darrooyikooda”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com