Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay magaalada Boosaaso

Boosaaso (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee gobalka barri ayaa sheegaya in Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay xaafada masjidu raxma ee Magaalada boosaaso.

Waxaana la shaqeeyay in ciidamo ka tirsan madaxtooyada ee magaalada boosaaso oo saran gaari ayaa  lagu tuuray bamboo gacmeed,sida sheegayaan dadka deegaanka.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in la ogeyn qaraxa nooca uu ahaa,waxaana la sheegay in 11 qof ay ku dhaawacmeen,qaraxaasi ka dhacay xaafada masjidu Raxma ee Magaalada Boosaaso,inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn dhimashada inta ay la egtay.

Dadkan dhaawacmay ayaa waxaa ku jira askar ka tirsan ciidanka puntland,iyo dad shacab ah,waxaana la sheegay in dadkaasi ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidamada puntland,iyadoona 11 qof ee ku dhaawacmay qaraxa  loo qaaday isbitaalka magaalada boosaaso ee gobalka barri.

Ma jiraan ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka magaalada boosaaso ee gobalka barri,kaasi oo ku aadan qaraxa nooca uu ahaa iyo dadka ku waxyeeloobay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com