Puntland oo 2,500 askari ku wareejisay DF iyo qorshaha ciidaadan

Garoowe (Caasimada Online) – Munaasibad Maanta ka dhacday Xerada 54aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed kuna taalla duleedka Magaalada Garowe ayaa maamulka Puntland waxaa uu 2,500 oo Askari kula wareejiyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ciidamadaas ayaa ku biiraya kuwa dowladda, waxaana ciidanka DFS lagu wareejiyay ay yihiin kuwii ay Fariisintoodu aheyd xerada General Maxamed Dirir (Ex- 54-aad), ee magaalada Garoowe.

Munaasibadda wareejinta Askartan waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Puntland,Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya,Wasiirka amniga puntland,Taliya Ciidanka Puntland iyo guddiga difaaca Golaha shacabka Soomaaliya.

Ciidankan waxaa ay ka mid noqon doonaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya qeybta 54aad,waxaana arrintan ay qeyb ka tahay qorshaha isku dhafka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka socda Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaqeeyay tallaabadan,waxaana ay ku baaqeen in sidan oo kale maamullada dalka ay uga qeybqaataan dhismaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Federal-ka ayaa isu diyaarineysa sidii ay ku heli laheyd ciidamo isku dhaf ah, kuwaas oo dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed ay ciidankoodu uga dhex muuqanayaan ciidanka XDS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com