Kenya oo qaar ka tirsan dalalka Africa ballan qaad weyn u sameysay iyo Somalia oo…

Nairobi (Caasimadda Online) – Dadka Reer Africa ee Booqanayo dalka Kenya ayaa wixii hadda ka dambeeyo aan u baahneyn inay Viso  dalbadaan ka hor inta aysan usoo safrin dalkaan, waxaana hadda kadib Visaha lagu siin doonaa garoonka dhexdiisa (on Arrival) , waxayna Kenya noqotay wadankii ugu dambeeyey ee ogolaado inay Africa noqoto mid si sahlan la isaga kala goosho.

Intii ay socotay Xafladdii lagu caleema saarayey madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in hadda kadib wadamada Africa ee soo booqanayo Kenya Visaha lagu siin doono garoonka dhexdiisa isla markaasna aysan dhici doonin inay Viso dalbadaan iyagoo aan soo safrin.

Uhuru ayaa arrintaan sheegay in loola jeedo sidii horumar looga gaari lahaa dhanka Ganacsiga iyo Amniga, wuxuuna sheegay inay Kenya horeyba u fududeyn jirtay Visaha balse ay hadda kadib Garoonka ku bixin doonto sida uu hadalka u dhigay.

“Dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadkeenna ku sugan qaaradeena waxay marwalba ahayd hannaan ka mid ah walaaltinimada ” ayuu yiri Kenyatta.

” Waaa inaan si xor ah u safranaa qaaradda Africa,  waana inaan isku muujino isku dhafnaan iyo mahadcelin” ayuu sii raaciyey.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa khudbadaan iyo fasaxaan ka hor jeediyey Hoggaamiyayaasha dalalka:

1) Somalia

2)  Djibouti.

3)  Ethiopia

4) Gabon

5) Nigeria

6) Rwanda

7) Uganda

8) Zambia

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa horey ugu heshiiyey in Muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda wado baasaboorka Service-ka Visaha lagu siiyo garoonka dhexdiisa, ilaa haddana si rasmi ah looma xaqiijin karo haddii ay Soomaalida dhan kawa faa’ideysan doonaan fasaxa cusub ee uu bixiyey madaxweyne Uhuru.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com