DF oo dhaqan-gelisay shuruucda hay’adda duulista rayidka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay dhaqan-gelinta shuruucda Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la jaan qaadaysa heerarka caalaamiga ah ee hay’adaha duulimaadyada.

Shuruucda iyo habraacyada muhiimka ah ee hagaya hay’adda duulista rayidka ah oo ay meel-mariyeen goleyaasha dowladda ayaa suurta-galisay in hay’addu ay noqoto mid la jaanqaadaysa hay’adaha dhiggooda ah ee adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyntii bogaadiyey horumarka ay sameysay hay’adda duulista rayidka ah ayaa waxa uu sheegay in hay’addani ay ahmiyad gaar ah u leedahay qaranka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha.

Waxaa uu ka dhawaajiyay inay xukuumaddisa Dan-Qaran ay ka shaqeynayso horumarinta garoomada dalka, taasi oo qeyb ka ah dadaallada ay dowladda u qaadeyso dhanka kaabayaasha dhaqaalaha.

Mudane Xamza ayaa sidoo kale xusay horumarrada kala duwan ee uu dalkeennu sameynayo ay laf-dhabar u tahay hay’adda duulista rayidka ah oo isku xirta dunida iyo Soomaaliya, islamarkaana tan iyo burburkii maanta ay gaadhay heer ay la sinnaato hay’adaha dhiggeeda ah ee caalamka.

“Waa guul weyn oo usoo hooyatay umadda Soomaaliyeed,” ayuu ra’iisul wasaaraha ku tilmaamay heerka ay maanta soo gaartay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed.

Si kastaba, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxay sanadihii dambe sameynaysay horumaro kala duwan, ayada horraantii sanadkaan ay hawada Soomaaliya heshay aqoonsi caalami ah oo aad u sareeya tan iyo burburkii dalka.