Booliska oo war kasoo saaray khasaaraha qaraxii Xamarweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray qarax xooggan oo maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Dhawaaqa jugta qaraxa oo si weyn looga maqlay inta badan caasimadda ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ahaa mid gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa, kuna qarxay aagga Muqdisho Mall ee degmada Xamarweyne.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxa lagu sheegay in qaraxaan uu ka dhashay khasaare kooban, kaasi oo ku eg gubashada gaariga lagu soo xiray qaraxa.

Taliska Booliska ayaa sidoo kale waxa uu shaaciyay in gaariga qarxay uu lahaa qof muwaadin ah, kaasi oo loogu xiray gaarigiisa oo noociisu yahay Surf.

“Maanta 17/May/2023, abaare 01:00 Duhurnimo, ayaa qarax qof muwaadin ah loogu xiray gaarigiisa oo nuuciisu yahay Surf, kaas oo ka dhacay Degmada Xamar-weyne agaagaarka Muqdisho Mall,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska “Muwaadinkii (lahaa gaariga) wuu nabad qabaa, ma jiraan wax qasaare ah oo kale marka laga reebo gubashada gaarigii dab ka dhashay qarxay.”

Mana jirto illaa haatan cid sheegatay masuuliyadda qaraxaan, oo Booliska uu sheeay in gaariga qof muwaadin ah lagu xiray, inkasta oo inta badan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay qaraxyada ka fuliso kooxda Al-Shabaab, oo guluf culus uga socdo qeybo kamid ah gobollada dalka.

Maalmo kahor unbey aheyd markii qarax khasaare gaystay uu ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday ciidamada amniga ee booliska Milateriga ee dhowaan lagu wareejiyay amniga caasimadda.

Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe uu soo hagaagayay amniga Muqdisho, ayna bulshada caasimada ka nasteen qaraxyada iyo falalka amni darro, kadib howl-galo isdaba joog ah ay ciidamada kala duwan ee ammaanka ay ka sameynayeen caasimadda.