Xasan Sheekh oo kulan xasaasi ah la qaatay amiirka dalka Qatar + Sawirro

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay Amiirka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad Al Taani.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar, taasi oo dhabbaha u xaareyso adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Amiir Tamiim Binu Xamad ayaa dhankiisa bogaadiyey guulaha miro-dhalka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo dowladda federaalka Soomaaliya ku ammaannay daddallada ay ku bixineyso ka sifeynta dalkeeda argagixisada iyo inay hormuud u noqoto xasillooni waarta oo ka hirgasha gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay gaaray magaalada Dooxa ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaasi waxay madaxda iyo diblumaasiyiinta kale ee ku wehlinaya safarkaan madaxweynaha ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in socdaalka madaxweynaha ee Qatar ay qeyb ka tahay qorshaha ay dowladda taageero dhaqaale ugu raadinayso dagaal culus ee kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Safarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tego dalka Qatar, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May ee sanadkii hore.

Qatar ayaa kamid ah dowladdaha Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ay ka fulisa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale.

Sidoo kale waxay xukuumadda Dooxa taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir saaxibtinimo oo qota dheer, kaasi oo ku saleysan dardar-gelinta danaha labada shacab ee maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, amniga, la dagaallanka argagixisada, iskaashiga siyaasadda iyo diblomaasiyadda ee fagaareyaasha Caalamka.