Faah-faahinta qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo goor sii horeysay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dhawaaqa jugta qaraxa ayaa waxaa si weyn looga maqlay inta badan caasimadda ee magaalada Muqdisho, ayada oo cirka isku shareertay uuro qaraxa kadib.

Qaraxa oo jugtiisa cusleyd ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ahaa gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo looga tegay qeybta Parking-ka ee Muqdisho Mall ee degmada Xamarweyne, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Qolyaha dab-damiska ayaa markii dambe ku guuleystay daminta gaariga qarxay, taasi oo yareysay khasaaraha, maadaama ay goobtaasi yaalleen gawaari kale, ayna ka agdhawayeen dad badan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu ahaa mid qof muwaadin ah uu lahaa oo loogu xiray, inkasta oo illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin cidda iska leh gaariga waxyaabaha qarxa lagu soo xiray ee ku qarxay halkaasi.

Mana jirto illaa haatan cid sheegatay masuuliyadda qaraxaan, ayada oo inta badan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay qaraxyada noocaan oo kale ah ka fuliso kooxda Al-Shabaab, oo guluf culus uga socdo qeybo kamid ah gobollada dalka.

Sidoo kale majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka oo la xiriira qaraxaan iyo khasaaraha ka dhashay, oo inta badan looga bartay warinta xogta u dambeysa ee dhacdooyinkan oo kale.

Maalmo kahor unbey aheyd markii qarax khasaare gaystay uu ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday ciidamada amniga ee booliska Milateriga ee dhowaan lagu wareejiyay amniga Caasimadda.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa ka dhacay Waxda Saddexaad ee degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, wuxuuna qabsaday gaari ay la socden ciidamada, iyada oo la sheegay inay afar askar ku geeriyoodeen qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen afar askari oo kale.

Qaraxaas ayaa waxa ka dhashay khasaarihii ugu badnaa ee soo gaara ciidamada Booliska Milateriga ee Xasilinta caasimadda ee Amniga magaalada Muqdisho gacanta ku haya.

Ciidamada oo lagu soo tababaray dalka Uganda ayaa waxaa mushaharkooda bixiya dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana bishii askari kasta uu qaataa $300.

Ciidamada ayaa tan iyo intii ay la wareegeen ammaanka caasimadda wax weyn ka beddelay, ayada oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jiray caasimadda, kadib markii ay kordhiyeen baaritaanada.

Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe uu soo hagaagayay amniga Muqdisho, ayna bulshada caasimada ka nasteen qaraxyada iyo falalka amni darro, kadib howl-galo isdaba joog ah ay ciidamada kala duwan ee ammaanka ay ka sameynayeen caasimadda.