Puntland oo amartay in la soo xiro la-taliyaha Xasan iyo saddex mas’uuliyiin oo kale

Garoowe (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Mudane Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ka hadlay dhacdadii habeen hore ka dhacday magaaladaas, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Taaran ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaas ay gaysteen afar nin oo kala ah Khadar Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole), Xasan Shire Cabdi (Abgaal), Maxamuud Warsame Faarax (Shido) iyo Maxamed Jaamac Faarax oo kamid ah siyaasiyiinta maamulkaasi.

Xeer ilaaliyaha ayaa ku eedeeyay afarta nin inay hoggaaminayeen ciidamadii weerarka ku qaaday Booliska oo xilligaas waday sanaadiiqda doorashada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay soo gaartay dacwad ay usoo gudbiyeen Booliska oo dalbaday in la siiyo waaran lagu soo qabanayo raggaas, taas oo uu tilmaamay inay u ogolaatay maxkamadda, isaga oo amar ku bixiyay in lasoo xiro dhammaan ragaasi.

“Xeer ilaalinta Puntland waxa ay soo saartay amar soo qabasho oo ah afarta eedeysane ee kala ah 1-Khadar Cabdiraxmaan Maxamed  Faroole, 2-Xasan Shire Cabdi Abgaal 3-Maxamuud Warsame Faarax Shido 3-Maxamed Jaamac Faarax,” ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.

Khadar Faroole iyo Xasan Shire Abgaal ayaa lagu soo warramayaa inay haatan ku sugan yihiin Garoowe oo ay ku haystaan ciidamo hubeysan, taas oo dagaal sababi karta.

Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, wuxuuna amarkan uga sii darayaa xiisadda dagaal ee haatan ka taagan caasimada mamulka Puntland ee Garoowe.

Dagaalkii habeen hore ka dhacay Garoowe ayaa sababay dhimashada 2 askari iyo dhaawac kale oo intaasi ka badan, waxaana ragga la eedeynayo ay iska fogeeyeen weerarkaasi.

“Anigu waxaan ahay ergayga madaxweynaha ee beeyac mushtarka iyo dhaqaalaha xafiiska aan ergayga u ahay waa xafiis shaqadiisu tahay xasilooni iyo nabad, marka ma garanayo meel aan isaga nimaano xasilooni darro,” ayuu horay u  yiri Khadar Faroole oo haatan lataliyaha gaarka ah eemadaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aaday, kaddib markii mucaaradka Puntland ay soo saareen bayaan ka dhan ah doorashada, kuna dhaliileen madaxweyne Saciid Deni.