DF oo digniin culus u dirtay beesha caalamka, kadib hanjabaado uga yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay fariimaha kulul ee dalalka beesha caalamka ah ee saaxiibada Soomaaliya uga hadlayaan doorashada oo xiligan uu ka taagan yahay khilaaf xoogan.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Dubbe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan marnaba dowladda federaalka aqbaleyn faro gelin lagu sameeyo arrimaha gudaheeda oo ay kamid tahay arrinta doorashada oo xiisad ka taagan tahay.

“Waxaa jirra danjireyayaal mararka qaar qora oo dira, oo usoo dira dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed fariin aan waafaqsaneyn shuruucda caalamiga ah iyo ixtiraamka madax-banaanida dalalka. Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad madax-banaan, arrimaheeda gudaheena ay yihiin lama taabtan lama faro-geliyaan,” ayuu yiri.

“Soomaaliya cidna doorashadeed ma faro-geliso, twitter-na uma qorto sidaas oo kale Dalalka caalamka waxaannu ka filaynaa inay ilaaliyaan madax-bannaanida iyo wadajirka bulshada caalamka.”

Hadalka wasiirka oo si toos ah ugu socda safaaradaha dalalka beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa uga digay inay sii wadaan fariimaha ku aadan arrimaha doorashooyinka ee ay u dirayaan madaxda waqtigooda dhamaaday iyo kuwa maamul goboleedyada, si xal looga gaaro doorashada dalka.

Sidoo kale waxa uu imanaya hadalka Dubbe, xili ay maanta Qoraalkii ugu adkaa ay u dirtay dowladda Norway, kaasi oo ay uga dalbatay madaxda waqtigooda dhamaaday inay iska wareejiyaan tallada, islamarkaana xal kama dambeys ah laga gaaro khilaafka ka taagan hanaanka doorashada, inkasta oo ay markii dambe ka laabatay.

Si kastaba, Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa cadaadis xoogan ku saaraya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada inay heshiis kama dambeys ah ka gaaran xiisada doorashada, ayada oo uu dhamaaday muddo xileedkii dowladda.