Dowladda Turkey oo war ka soo saartay is-mari waaga doorashada Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay heshiis la’aanta saamilesya siyaasadda Soomaaliya ee ku aadan hanaanka doorashada dalka.

Wasaaradda ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in tani ay waxyeeleyn karto himilooyinka shacabka Soomaaliya ee ku aadan horumarka dalkooda iyo sidoo kale in lagu guuleysto nabad iyo barwaaqo dalku gaaro.

“Waxaan mar kale ugu yeereynaa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay isku yimaadaan oo ay muranadooda ku xalliyaan wada-hadallo wax ku ool ah oo loo dhan yahay kuna saleysan heshiiskii la gaaray 17-kii September 2020, waxaana adkeeneynaa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin la qabto ayada oo aan dib loo sii dhigin,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda.

Dowladda Turkiga ayaa mar kale ku celisay inay ka taageereyso shacabka iyo dowladda saaxiibka iyo walaalka ah ee Soomaaliya inay ka guuleystaan is-mari waagan, sida ugu dhaqsaha badan.

Qoraalka Turkiga ayaa imanaya ayada oo dhowaan warbaahinta dalkaas ay tebisay in wasiirka arrimaha dibedda Mevlut Cavusoglu uu qorsheynayo inuu booqasho ku yimaado Muqdisho, si uu gacan uga gaysto xal u helidda is-mari waaga Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale baaqa Turkiga ku biirayaa baaqyada beesha caalamka ee ku aadan in xal deg deg ah la gaaro, waxaana muuqata in beesha caalamka ay ka go’an tahay inaanay madaxda dowlad goboleedyada ka tegin Muqdisho, ayada oo aan heshiis la gaarin.