Lubnaan (Caasimada Online) – Kulan-madaxeedkii Hogaamiyayaasha Carbeed shalay ku yeesheen Caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut waxaa looga hadlay Arrimaha Dhaqaalaha iyo Horumarinta Bulshadda, iyadoo si weyn looga hadlay sidii loo taageeri lahaa Dowladaha Carbeed ee ay dhibaatooyinka ka jiraan ee ay ka midka yihiin Yemen, Syria iyo Falastiin.
War-murtiyeedka laga soo gaaray Gunaanadka Shirkaasi waxaa Dowladaha Carabta loogu baaqay inay si ficil ah u taaba-geliyaan Go’aankii Shir-madaxeedkii Carabta ee ugu dambeeyey ee lagu go’aamiyey in DFS bil kasta la siiyo kaalmo dhaqale oo dhan 10-million oo Dollar, iyadoo muddada Kalmadaasi siocon doonto muddo hal sanno.
Dhinaca kale, Guddoonka Shirka Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Dowladaha Carbeed waxa kale oo ay ugu baaqeen Dowladaha Carbeed inay Somalia ka cafiyaan Lacagaha Daymaha ee ay ku leeyihiin.
Hoggaamiyayaasha Carbeed waxay soo dhaweeyeen Dowladaha Sacuudiga iyo Algeria oo iyagu horey u sheegay inay Somalia ka cafiyeen Lacagihii Daymaha ee ay ku lahaayeen.
Dhinaca kale, Shirkii Madaxda Carabta ee Dhaqaalaha iyo Horumarinta Bulshadda ee ay shalay ku yeesheen Caasimadda dalka Lubnaan ee Bayruut waxay isku raaceen in Shirkooda soo socda lagu qaban doono caasimadda dalka Murutaaniya ee NAWAKSHOOT sannadka 2023-ka.
Caasimada Online
Xafiiska Lubnaan
Caasimada@live.com
Xafiiska Lubnaan
Caasimada@live.com