Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa soo saaray war-saxaafadeed bulshada loogu fasaxay inay sameysan karaan akoono cusub, sidoo kalena ay cosbooneysiisan karaan kuwii hore, iyadoo aan lagu xireyn wax shuruud ah, iyadoo bisha dambe uu bilaabanayo qorshe cusub.
Warkaan ka soo baxay Bankiga Dhexe ee dowladda ayaa lagu caddeeyey in 1-da bisha soo socota ee September uu dhaqan geli doono go’aan waajib ka dhigaya in qof kasta oo Akoon furanaya uu heysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee hay’adda NIRA ay bixiso.
Hoos ka akhriso bayaanka Bankiga Dhexe oo ciwaan looga dhigay, “Xoojinta Aqoonsashada iyo Hubinta Macaamiisha Bankiyada Dalka.”
Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS) isaga oo la kaashanaya Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA iyo Ururka Bankiyada Soomaaliyeed, waxa uu dadweynaha ku wargalinayaa in la xoojiyey shuruudaha looga baahanyahay macaamiisha furanaya koonto Banki (Bank Account) ama cusboonaysiinaya aqoonsiga koonto ay hore u lahaayeen.
Shuruudaha cusub waxay dhaqan galayaan 1-da Sebteembar 2025.
lyada oo lafulinayo Xeer-nidaamiyaha BDhS ee laxiriira aqoonsiga macmiilka ee danabaysan, ee loo yaqaan (eKYC), kaas oo u jeedkiisu yahay xoojinta habka aqoonsiga macamiisha bankiyada, waxaa lagu dhaqmayaa qodobadan soo socda laga bilaabo wakhtiga kor ku xusan:
- Dhamaan macaamiisha bankiyada ka furanaya koontooyinka cusub waxaa shardi u ah aqoonsiga qaranka (ID) ee ay soo saarto hay’adda NIRA.
- Cusboonaysiinta koontoonyinka macaamiisha bankiyada ee aqoonsigoodu dhacay waxaa cusbooneysiinta shardi u ah aqoonsiga qaranka (ID) ee ay soo saarto hay’adda NIRA.
Macaamiisha Bankiyada iyo dhammaan dadweynaha waxay aqoonsiga qaranka (ID) ee ay soo saarto hay’adda NIRA ka heli karaan laamaha Bankiyada ee loo asteeyay iyo dhammaan xarumaha Hay’ada NIRA ee gobolka Banaadir.
Talaabooyinkani waa kuwo lagu xoojinayo hufnaanta hanaanka maaliyadeed ee dalka, si looga hortago faldanbiyeedyada loo geensan karo adeegyada maaliyadda iyo aqoosiyada been-abuurka ah.
Sidoo kale waxa ay sahlayaan adeegga bankiyada ee la siiyo macaamiisha.
FIIRO GAAR AH: Shuruudaha cusub waxay gobolka Banaadir ka dhaqan geli doonaan 1-da Sebteembar 2025, kadibna waxaa loo gudbi doonaa waddanka oo dhan.

