DF oo guddi u magacawday muxaadarada uu muranka hareeyey ee Sheekh Umal

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa guddi u saartay qaban qaabada iyo qabsoomidda muxaadarada uu Sheekh Maxamed Cabdi Umul ku qabanayo magaalada Muqdisho.

Guddiga ayaa waxaa ka mid ah wasiirka diinta iyo awqaafta, wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo taliska Booliska.

Muxaadaro oo la filayey inuu Sheekha maanta ku qabto garoonka kubadda cagta ee Injineer Yariisow ayaa dib loogu dhigay kadib codsi ka yimid booliska Soomaaliya.

Muxaadarada ayaa hadda laga dhigay galabta Axadda ah ee 24-ka November, 2019, kadib markii ay booliiska ay sheegeen inay u baahan yihiin waqti dheeri ah oo ay ku diyaariyaan sugidda amniga garoonka, ayaga oo maanta ku mashquulsanaa aaska Marxuumad Almaas Elman.

Muxaadaradan ayaa waxaa hareeyey dood kadib markii qaar ka mid ah culimadda suufiyadda ee ku sugan Muqdisho ayaa kasoo horjeestay muxaadarada Sheekha, waxaana ay ugu baaqeen dowladda in ay joojiso.

Sheekh Soomow oo ah afhayeenka golaha culimada Soomaaliyeed uu ku eedeeyey Umal in dad badan ay dartiis qabri ugu jiraan islamarkaana uusan muxaadaro ku qaban karin Muqdisho.

Guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed, Sheeikh Bashiir Axmed Salaad iyo culumo kale oo ka tirsan hey’adda oo shir jaraa’id xalay ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan ku matalin hadalkii ka soo yeeray, ee uu ku weeraray Sheekh Maxamed Cabdi Umal.