Duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi oo maanta dib u billowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa mar kale maanta si rasmi ah dib ugu billowday, sida ay sheegtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Duulimaadyada oo markii hore ku hakan jiray magaalada Wajeer ayaan wixii hadda ka dambeeysa sidaas sameyn doonin, waxayna toos uga degi doonaan garoonka Jomo Kenyatta International, marka ay ka baxaan Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, u dirtay shirkadaha diyaaradaha ayaa u dhignaa sidan “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya waxay jeceshahay inay ku dhowaaqdo in laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ka November, ay dhammaan duulimaadyada ka tagaya Muqdisho ay si toos ah ugu duuli karaan Jomo Kenyatta, ayaga oo aan marin Wajeer.”

Duulimaad ka mid ah shirkadda Kenya Airways oo sida ilaa 50 rakaab ah ayaa galabta ka baxay Muqdisho, kuna sii jeeda Nairobi, waana duulimaadkii ugu horreeyey ee ka baxa Muqdisho, islamarkaana si toos ah uga degaya Nairobi muddo ka badan lix bilood.

Arrintan ayaa qeyb ka ahayd heshiis ay 14-kii bishan magaalada Nairobi ku gaareen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

Heshiiska oo dib loogu soo celiyey xiriirka labada dal ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa in dadka sita baasaboorka dowladda ee Soomaaliya ay dal-ku-galka Kenya ka qaadan karaan garoonka Jomo Kenyatta, halka markii hore ay sii dalban jireen inta aysan bixin.

Dowladda Kenya ayaa soo rogtay in diyaaradaha aadaya Nairobi ay sii maraan Wajeer, sidoo kalena aanay Soomaalida Visa ka qaadan karin gudaha garoonka, si ay taas ugu cadaadiso dowladda Soomaaliya kuna qasabto inay ka laabato kiiska dacwadda badda ee horyaalla maxkamadda ICJ.

Hase yeeshee, ayada oo dowladda Soomaaliya ay taas u muujisay dhabar-adeeg ayaa waxaa hadda muuqata in Kenya soo dabceyso, inkasta oo aysan caddeyn waxa mar kale kasoo socda.