YUUSUF GARAAD oo soo bandhigay hab baaritaan cajiib ah oo lagu ogaan karo cidda dishay Almas Elman

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay uga hadlay hab baaritaan oo lagu ogaan karo cidda soo ridday xabaddii lagu dilay Almaas Elman cali Axmed.

Qoraalka ayaa u dhignaa sidan:

Lama fududeysan karo geerida Almas iyo goobta ay xabbaddu ku dishay.

Almas Elman, Allah ha u naxariisto. Rabbi ha u hooyo Jannatu Fardowsa. Waa ubax noloshiisii la dhaafiyay isaga oo curdun ah.

Waalid, walaal, qoyska iyo saaxiibbadeeda faraha badan Samir Allah ha ka siiyo.

Goobtu waa gudaha xeyndaabka lagu tilmaamo in aad loo ilaaliyo. Kama foga dhabbaha ay dayaaraduhu ku rooraan marka ay kacayaan iyo marka ay soo caga dhigtaan iyo waliba hool lagu doortay laba Madaxweyne iyo laba Guddoomiye Baarlamaan.

Waa lama huraan in la sameeyo baaritaan sax ah, cilmi ku qotoma oo su’aalaha macquulka ah ee taagan u hela jawaabo aan la burin karin.

Haddii qalliinka xaqiiqa doonka ah ee geerida dabadeed lagu hayo xagasha ay xabbaddu ka gashay jirka Almas, lana helo joogga ay dhulka ka sarreysay meesha ay xabbaddu uga dhacday.

Waxaa fududaaneysa in la helo barta ay xabbaddu dhulka uga dhici lahayd, haddii aanay Almas ku dhici lahayn iyo xagasha ay dhulka la sameyn lahayd.

Marka intaa la helo, ma dhib badna in qiyaas xisaab ku qotonta lagu soo saaro jihada ay xabbaddu ka timid iyo marinka ay hawada ka soo jeexday halka uu ahaa.

Xabbadda maaddaama la hayo, haddii loo abtiriyo oo la ogaado nooca qoriga ay ka dhacdo, masaafada ay gaari karto iyo xawaaraha ay ku safarto, lana og yahay barta ay dhulka uga dhici lahayd iyo xagasha ay kula dhici lahayd, waxaa fududaaneysa in la garto halka xabbaddaas laga soo riday.

Joogga in la soo saaraa ma dhib badna. Waa cabbirka oogada kursiga gaariga ay fuushaneyd uu ka sarreeyo dhulka oo lagu daray jooggeeda fadhiga ah oo ku eg barta ay xabbaddu uga dhacday.

Cabbirkaas waxaa lagu soo saari karaa in qof Almas la dherer ah lana miisaan ah lagu fariisyo kursigii ay fadhiday.

Ma ahan wax aan iska mala awaalayo ee waa baaritaan noociisa oo kale caalamka hore loo adeegsaday.

Marka intaas jawaab loo helo ayaa laga shaqeyn karaa sidii caddaalad loogu heli lahaa marxuumadda, loona xaqiijin lahaa in uu sugan yahay amniga garoonka, kan hoolka doorashada iyo shirarka waaweyn oo la isku halleyn karo.