Taabit oo dalbaday in laga jawaabo saddex su’aal oo ku saabsan dilka Almas Elman

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka Taabit Cabdi Maxameda ayaa ka hadlay hadal heynta ka jirta Magaalada Muqdisho ee ku saabsan khilaafka Culumada Soomaaliyeed iyo sida looga aamusay dilkii loo geystay Almaas Elman oo lagu dhex dilay Magaalada Muqdisho.

Hoggaamiye Thaabit ayaa sheegay inay aheyd Maanta in laga doodo diiradana la saaro sidii caddaalad loogu heli lahaa dilka Almaas Elman oo uu sheegay in iyada iyo Aabaheedba ay dileen gacan ka xaqdaran.

“Hadal-heynta saxda ah waxay ku habooneyd maanta in diiradda la saaro sidii caddaalad loogu helilahaa dilka Almaas Elman oo sida aan wada ognahay aabaheed Elman Ali Ahmed Allaha u wada naxariistee labaduba ay gacan ka xaqdaran dishay sanadihii 1996 iyo 2019. Ugu yaraan qoyska reer Elman waxay naga mudan yihiin maanta in aan ku wada mashquulno sidii ay caddaalad u heli lahaayeen” ayuu yiri Thaabit oo qoraal soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook.

Hoggaamiye Thaabit ayaa sheegay inay muhiim tahay in jawaabo waafi ah loo helo 3 su’aal oo ku saabsan dilka Elmas Elman, wuxuuna ku kala sheegay:

  1. Yaa dilay Almaas Elman?
  2. Halkee ayay mareysaa baaristu?
  3. Xerada Xalane oo amnigeeda ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada AMISOM, warbixin hordhac ah ma kasoo saareen, iyaguse baaritaan madaxbanaan ma wadaan?

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa kusoo xiray

“Jawaabaha su’aallaha kore ayay tahay inaan diiradda saarno ka hadalkeeda oo aanan marnaba xaaladda taagan nagala weecin. Ogow shacab iyo mas’uulba hadii aad ogolaatid in ka hadalka waxa xaqqa ah lagaa weeciyo, noloshu waa silsilad marbay murugadu deris kula noqoneysaa ee ha sugan maalinta ay ku hoos taal. Maanta ayaad kartaa inaad xaqqa ama runta sheegtid”

Hadalka Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed ayaa kusoo aadayo xilli Maanta dadka Soomaaliyeed ay hadal hayeen khilaafka ka dhashay muxaadaro uu Muqdisho ku qaban rabo Shiikh Umul taasoo ay ka hor imaadeen culimada Suufida ee Muqdisho ku nool.