Mahad Salad: Buunbuuninta muxaadarada Umal waxay daliil cad u tahay sida fikir xagjir ah ugu dhex jiro DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa dowladda ku dhaliilay qaabka ay u wajaheyso muxaadarada uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal qorsheynayo inuu ku qabto magaalada Muqdisho.

“Muxaadarada Sheekh Umal ku qabanayo garoonka ciyaaraha Eng Yariisow iyo kacdoonka Ahlu Sunna natiijada ka dhalan karta Nabad iyo Nolol ma iswaydiiyeen?” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook.

Mahad Salaad ayaa yiri “Sida indho la’aanta ah ee hay’adaha amniga iyo warbaahinta dowlada loogu isticmaalayo buunbuuninta Sheekh Umal waxay daliil cad u tahay sida fikirka xagjirka ah ugu sii dhex xoogaysanayo hay’adaha dowlada Soomaaliya.”

Ma jiraan wax caddeymo madax banaan ah oo taageeri kara hadalka Mahad Salaad ee ah “fikirka xagjirka ah ugu sii dhex xoogaysanayo hay’adaha dowlada Soomaaliya.” Sidoo kale isna soo ma bandhigin caddeymo.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidoo kale Sheekh Umal ugu baaqay inuu jeediyo muxaadaro uu ku waaninayo “kooxaha xagjiriinta ah ee is-qarxiya.”

“Sheekh Umal haduu dadka Soomaaliyeed wax anfacaya u wado anigu waxaan qabaa in uu waaniyo waxna u sheego kuwa ummadda Soomaaliyeed maalin walba qarxinaya ee daliishanaya fikirka xagjirka ah ee isaga iyo saaxiibadiis horay u abuureen!” ayuu yiri.

“Kuwa culimada sheeganaya ee hoteelada Mogadishu dowlada u jiifana waxaan leeyahay Sheekh Soomow wax uu aaminsanyahay ayuu difaacayaa ee adinku hadii aadnan Allaah ka baqayn walba ummadda ka xishooda!” ayuu sii raaciyey.