28.1 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

DF SOMALIA oo heshiis la gashay Imaaraadka.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta hishiis la gaartay dowlada isku taga Imaaraatka Carabta kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen xubno matalayay labada dowladood.

Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ka taageerayaan bixinta qaar kamid ah mushaarka ciidamada xooga dalka Soomaaliya, xili culees badan ciidamada dowlada uu ka heystay helida mushaarka ay xaqa u leeyihiin.

Maxamed Aadan Ibraahim, wasiirka maaliyada xukuumada Soomaaliya oo ka qeyb galay xaflada hishiiska lagu kala saxiixday ayaa sheegay in talaabo wanaagsan tahay balanqaadka imaaraadka carabta ee ah bixinta mushaarka ciidamada xooga dalka.

Maxamed Al Othman, safiirka imaaraadka carabta ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada Imaaraadka ay kordhineyso taageerada ay siineyso dowlada Soomaaliya oo ay qeyb ka tahay taageerada dhanka dhaqaalaha iyo tababarka ciidamada xooga dalka.

Imaaraadka Carabta ayaa u muuqdo mid saameyn ku dhex yeelanaya dhanka ciidamada xooga dalka, maadaama uu horay tababaro u siiyay ciidamo badan oo Soomaaliya ka tirsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News