24.9 C
Mogadishu
Wednesday, August 13, 2025

DF oo iska fogeysay inay weerarka bilowday, shaacisay saraakiil looga dilay dagaalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Beledxaawo, iyadoo dowladdu iska fogeysay inay weerar ku qaaday ciidamada maamulka Jubbaland.

War-saxaafadeedkan oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Qaranka ee ka hawl-gala gobolka Gedo ay iska caabiyeen weerar ay kusoo qaadeen ciidamada taabacsan Axmed Madoobe.

“Aroornimadii hore ee saaka ayaa maleeshiyaad ka amar qaata eedaysane Axmed Madoobe, una hoggaaminayay Maxamuud Sayid Aadan, waxa ay weerar gardarro ah kusoo qaadeen fariisimada Ciidamada Qaranka ee duleedka degmada Beledxaawo,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada taabacsan Dowladda Federaalka ay si guul ah isaga caabiyeen weerarka, isla markaana ay gacanta ku dhigeen toban ka mid ah ciidamada ay sheegtay inay weerarka soo qaadeen.

“Ciidanku waxay si buuxda ula wareegeen goobaha weerarka laga soo abaabulay. Xaaladda deegaankuna waa mid deggan, waxaana Ciidanka Qaranku ay si buuxda ugu hawlan yihiin xaqiijinta amniga, ilaalinta xasilloonida, iyo badbaadinta shacabka ku nool gobolka Gedo,” ayaa lagu war-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa shaacisay in dagaalka dhinacooda ay ku geeriyoodeen, Laba-xiddigle Maxamed Xasan Guutaale iyo Dable Cali Muxumed Gooni, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen saddex askari oo kale.

Ugu dambeyntiina, Wasaaraddu waxay ugu baaqday ciidamada Jubbaland ee taabacsan Axmed Madoobe in ay hubka dhigaan, isla markaana ay isku soo dhiibaan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Ciidanka Qaranka ee ka hawlgala gobolka Gedo ayaa iska caabiyay weerar ay kusoo qaadeen maleeshiyaad ka amar qaata eedaysane Axmed Madoobe.

Aroornimadii hore ee saaka ayaa maleeshiyaad ka amar qaata eedaysane Axmed Madoobe, una hoggaaminayay Maxamuud Sayid Aadan, waxa ay weerar gardarro ah kusoo qaadeen fariisimada Ciidamada Qaranka ee duleedka degmada Beledxaawo.

Ciidamada Qalabka Sida ayaa si guul ah isaga caabiyay weerarkii, waxayna kala eryeen maleeshiyaadka, iyagoo gacanta ku dhigay toban ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday. Ciidanku waxay sidoo kale si buuxda ula wareegeen goobaha weerarka laga soo abaabulay.

Intii lagu guda jiray hawlgalka difaaca, waxaa ku shahiday laba ka mid ah geesiyaasha Ciidanka Xooga Dalka: Laba-xiddigle Maxamed Xasan Guutaale iyo Dable Cali Muxumed Gooni. Waxaan Eebbe uga baryaynaa inuu shahiidnimadooda ka aqbalo. Saddex askari oo kale ayaa ku dhaawacmay, waxaana hadda lagu dabiibayaa xarumo caafimaad.

Hadda, xaaladda deegaanka waa mid deggan, waxaana Ciidanka Qaranku ay si buuxda ugu hawlan yihiin xaqiijinta amniga, ilaalinta xasilloonida, iyo badbaadinta shacabka ku nool gobolka Gedo.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay si adag u cambaareynaysaa ficillada gurracan ee ay ku kaceen maleeshiyaadkaas. Waxay sidoo kale bogaadinaysaa Ciidanka Xooga Dalka sida xirfadda iyo geesinimada leh ee ay u fashiliyeen isku dayga lagu carqaladeynayay amniga iyo midnimada dalka.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay si cad ugu digaysaa maleeshiyaadka uu qalday Axmed Madoobe inay hubka dhigaan, isku soo dhiibaan, kana waantoobaan ka qaybqaadashada falalka lagu beegsanayo jiritaanka qarannimada. Waxayna sidoo kale shacabka gobolka Gedo ugu baaqaysaa inay garab istaagaan Ciidanka Qaranka iyo taliyayaashooda si looga hortago khatar kasta oo ku soo fool leh amniga dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News