DF oo isugu yeertay wakiilada caalamiga ee ku sugan Muqdisho + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kulan isugu yeertay wakiiladda caalamiga ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, kadib markii ay sii korortay walaaca muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xaaladda dalka Sudan.

Kulankan oo yeeristiisa ay laheyd wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan xoghayaha joogtada ee wasaaradda Xamse Aadan Xaadoow, ayaa waxaa soo xaadiray qaar kamid ah wakiiladda hay’addaha caalamiga ah.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayay samata-bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee weli ku go’doonsan dalka Sudan, oo ay ku dagaalamayaan ciidamada milatariga iyo kuwa RSF ee loo yaqaano birmadka deg-degga ah.

Sidoo kale waxaa kulankaan goobjoog ka ahayd Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, Ergeyga cusub ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ayaa madashaasi waxa uu ku faah-faahiyay tallaabooyinka ay wasaaradda u qaadday ka war-qabka iyo suurta-galnimada daad-guraynta ardayda iyo qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sudan.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaaladda ay dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan samata-bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dagaalka maalintii lixaad ka socda magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan.

Dagaalkan ayaa saameyn xooggan ku yeeshay dadka aan u dhalan waddankaas ee u badan ardayda, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin dadka Soomaaliyeed ee halkaas wax ka barta.

Kumanaan arday Soomaali ah oo dalka Sudan u joogay wax barasho ayaa lasoo warinaya inay wajahayaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah, tan iyo markii uu Sabtidii billowday dagaalka qaraar ee ka socda magaalada Khartuum iyo qeybo kamid ah dalkaasi.

Qaar kamid ah ardaydaasi oo ay warbaahinta dowladda xiriir la sameysay ayaa u sheegay in muddo saddex maalmood ah aysan helin wax biyo iyo koronto ah, ayna awoodin illaa hadda inay kasoo baxan halka ay kaga gabanayaan rasaasta.

Wararka ayaa intaas kusii daraya inay jiraan gabdho Soomaali ah oo weli ku xaniban xaafaddo ku yaalla Ummdurmaan oo ah qeybo kamid ah caasimadda sadeex geesoodka ah ee Khartuum, kuwaasi oo aan illa hadda helin fursad ay kusoo baxaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhawaan waxay fartay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Khartuum iyo guud ahaan dalkaasi inay taxadar iyo feejignaan dheeraad ah muujiyaan, iyada oo ku adkeysay inay xiriir joogto la sameeyaan wasaaradda iyo safaaradda, hadii ay caawinaad uga baahdaan.

Sidoo kale waxay soo jeedisay wasaaraddu inay iska diiwaan-galiyaan mareegta (website-ka) wasaaradda, si loo caawiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Suudaan.

Dhinacyada ku dagaalamaya Sudan ayaa loogu baaqay inay si deg deg ah usoo afjaraan colaadda, kuna laabtaan wada-hadallada kadib maalmo ay socdeen dagaallo ay ku dhinteen in ka badan 200, kuna dhaawacmeen in ka badan 1,800.

Rabshadaha ayaa dillaacay Sabtidii kadib toddobaadyo ay awoodda isku haysteen labada Jeneraal oo xukunka ku qabsaday afgambi 2021-kii, kuwaasi oo kala madaxa ciidamada Sudan Cabdifataax al-Burhan iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Xamdan Daglo oo ah hoggaamiyaha ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic.