Dowladda Soomaaliya oo go’aan kasoo saartay maalinta ciidda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa shaacisay go’aanka rasmiga ah ee bilashada bisha Shawaal, iyada oo ku dhawaaqday in maalinta berri oo ah Jimce ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul-Fidriga.

“Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maalinta Berri ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo ku sugan xarunta warbaahinta qaranka ayaa sheegay in kadib baadi-goob dheer dhalashada bisha soonfur laga arkay magaalooyin kala duwan oo kamid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Magaalooyinka laga arkay ee wasiirku sheegay waxaa kamid ah Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Cadaado ee gobalka Galgaduud, Ceel-Waaq oo Jubada Hoose iyo deegaano kale oo kamid ah Soomaaliya.

Dhawaaqan cusub ee kasoo baxay wasaaradda ayaa imanaya, iyada oo goor sii horeysay ay Boqortooyada Sacuudiga ku dhawaaqday in maalinta berri oo ah Jimce ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal iyo Ciidul-Fadriga.

“Bisha Shawaal 1444 ayaa maanta laga arkay Tumair iyo Sudayr ka dibna berri oo Jimco ah, 21-ka April 2023 waa maalinta Ciidul Fidriga,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Xaramka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda Ciidul-Fidriga.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay bulshada Soomaaliyeed inay is-cafiyaan, “Walaalkaaga aad wax ka tabaneyso cafi, ka adiga wax ka tabanaya ha ku cafiyo.”

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in bulshada Soomaaliyeed isgarab istaagan, hoosna u fiiriyan walaalahooda ka liita, si ay u qeybsadaan farxada munaasabadda Ciidul-Fidriga.

“Dadka Soomaaliyeed ee soo barakacay ee magaaladan ay duruufta keentay, berri waa maalintii farxada halaga farxiyo, si dhamaan farxad loogu wada ciido.”

Ciidan ayaa kusoo aaday, ayada oo dalka uu ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay ciidamo dhigtay Muqdisho, kuwaas oo la filayo inay howl-gallo ballaaran sameeyaan inta lagu jiro munaasabadda Ciidul-Fidriga.