DF oo wada qorshe dib loogu soo celinayo muwaadiniin ku xirnaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dhawaan dalka dib loogu soo celin doono muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa xabsiyada ku yaalla dalka Zambia.

Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Zambia ayaa sheegtay in muwaadiniintan oo u badan dhalinyaro ay ku guuleystay inay kasoo deyso xabsiyada ay ku xirnaayeen, ayna dhawaan soo gaari doonaan dalka.

“Inta aan ku guda jirnay bisha Ramadaan waxaa inoo suurta-gashey in iyagoo caafimaadkooda taam yahey aan didbugu celino wadankooda qaar ka mid ah dhalinyaro Somaaliyeed oo in mudo ahba ku xirnaa xabsiyada Jamhuuriyada  Zambia,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Soomaaliya ee Zambia.

Sidoo kale waxaa qoraalka kasoo baxay safaaradda lagu yiri “Waxaana rajeyneynaa sidoo kale inta kale ee ku hartey xabsiyada aan iyagoo bed qaba ku celino wadankooda.”

Zambia ayaa kamid ah dalalka ay ku xiran yihiin dhalinyaro badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo inta badan halkaasi usii mara si ay uga sii gudbaan dalalka kale ee Afrika, iyaga oo baadi-goob ugu jira nolol ka badalan midda ay ku haysteen dalkooda.

Tan iyo sabadkii 2016-kii xafiiska ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta ayaa ka shaqeynayay soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan xabsiyada, iyada oo gacan ka helayso dowladda federaalka, wasaaradda arrimaha dibadda, IOM iyo muwaadiniinta Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbaha.

Dowladda federaalka ayaa horay ugu guuleysatay inay maxaabiis fara badan kasoo deyso qaar ka mid ah dalalka caalamka, taasi oo aad loogu bogaadiyey dowladda dhexe.

Horraanta sanadkii hore ayaa waxay dowladda federaalka dalka dib ugu soo celisay tahriibayaal Soomaali ah oo gaarayo illaa 97 ruux, kuwaasi oo muddo sanado ah ku xirnaa dalka Liibiya.