FARMAAJO oo farriin u diray SHACABKA Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray farriin cusub oo ku socota Shacabka Soomaaliyeed, taasi oo ugu hambalyeynayo curashada bisha Shawaal iyo munaasabadda Ciidul-Fidriga.

“Guud ahaan muslimiinta calaamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, waxaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda Ciidul Fidriga,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaa Alle inooga baryaya inuu inaga aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd ee aynu gudannay intii lagu jiray bishii Barakaysnayd ee Ramadaan,” ayuu Farmaajo ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo ugu hambalyeynayo bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu bulshada Soomaaliyeed ku booriyay sii joogteynta kaalmeynta iyo garab istaagga dadka danyarta ah.

“Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan acmaasha wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso kaalmeynta iyo garab istaagga dadkeenna danyarta ah.”

Ugu dambayn waxa uu Eebbe Weyne ka baryay inuu ciiddan ciiddeeda kale inagu gaarsiiyo caafimaad qab, amni iyo barwaaqo, “Farxad iyo nabad ku ciida dhammaantiin. Ciid Mubaarak.”

Ciidan ayaa kusoo aaday, ayada oo dalka uu ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay ciidamo dhigtay Muqdisho, kuwaas oo howl-gallo ballaaran ka sameeynaya caasimadda inta lagu jiro munaasabadda Ciidul-Fidriga.