Daawo: Madaxweyne Xasan “Waxaa haysanaa hal wax oo la heli karin lana iibin karin”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in Soomaaliya ay haysato fursadii ay uga takhalusi laheyd kooxaha argagixisada.

“Hal wax oo la heli karin oo beeso goyn oo la iibin karin ayaa haysana, waxaas waa maxay? qalbiga waaye, niyada waaye, fahamka  iyo dadnimada waaye oo beeso laguma soo iibin karo. Beeso kasta oo meenta helno askari fiican oo suuqa yaalla ma soo iibsan karno, askariga fiican waa ka isaga is-tira,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa hadalkaas ku sheegay khudbad uu ujeedinayay ciidamo dhawaan ku biiri doona dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ku jira xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

“Maalmo ayaa u dhiman, rag hadey yihiin (madaxda Shabaab) ha yimaadaan furinta. Nin madax ah oo Shabaab ah oo la yaqaan oo is-qarxiyay ma garaneysa, fuley ka weyn majiro oo dhuumaleysanaya.”

Xasan ayaa sidoo kale waxa uu faray ciidamada cusub ee ku biiraya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u helaan kalsoonidda iyo hiillada shacabka Soomaaliyeed.

“Ka daba taga raga oo nasiya oo la baneeya aagga-ga oo nasasho soo siiya. Dhalinyaro waxaa idin leeyahay ciid wanaagsan. Ciidan iyo ciido kale oo dalkii xor ah oo Shabaab ka xor oo qoysaskeena la ciidno ayaa noo soo socota, laakiin in aan ka shaqeyno ayay naga rabtaa waana ku jirnaa.”

Ciidamadaan oo noqonaya dufcaddii labaad ee ka tirsan qeybta “Ilaalo Qaran” ee ku biiraya howl-galka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab ayaa maalmaha soo aaddan u ruuqaansanaya deegaanada laga xoreynayo argagixisada, si ay garab u siiyaan ciidamada hadda furimaha dagaalka ku baacsanaya kooxda.

Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha