DF oo jawaab aan caddeyn ka bixisay hadalkii Erdogan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka gaabsatay in ay xaqiijiso ama beeniso hadal kasoo yeeray madaxweynaha Turkiga oo ahaa in Muqdisho ay ku casuuntay in shidaal sahmin ay ka bilaabaan Badweynta Hindiya.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa wakaaladda (SONNA) u sheegay in xiriir walaalnimo iyo mid wada qabsi uu kala dhexeeyo dawladda Turkiga, welina aan la gaarin xilligii la billaabi lahaa hawgallada Batroolka Soomaaliya, iyadoo ay weli dhiman yihiin hawlo ay muhiim tahay in la dhammaystiro.

” Sidaas darteed waxaan xaqiijineynaa in hawlgallada Bartoolka ay ku billaaban doonaan si daahfurnaan ah xilligeedana la sugayo” ayuu yiri wasiirka.

Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan ayaa shaaciyey in caasuumaad rasmi ah ay ka heleen dowladda Soomaaliya taasoo ku aaddan in Turkiga uu sahmin shidaal ka sameeyo Badweynta Hindiya inta ay ka leedahay Soomaaliya.

Sidda sheegtay wasaaradda batroolka Soomaaliya, illaa iyo 15 xirmo shidaal ayaa diyaar ah in la maalgeliyo si looga soo saaro saliid.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan in dalka shidaal laga soo saaro iyada oo dhowr sharikadood heshiis la gashay sidoo kalena Golayaasha  shacabka iyo aqalka sare meel mariyeen sharciga Batroolka dalka.