DF oo jawaab ka bixisay diyaaradaha SOOMAALIYA ee KENYA ay xaraasheyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay diyaarado qiimo hoose ku iibineyso Kenya, kuwaasi oo ay lahaayeen ciidamada xoogga Soomaaliya.

Taliyaha ciiddamada cirka Soomaaliya Maxamuud Sheekh Cali oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in diyaaradaha la xaraasho ay ciladooben, kadib markii ay ka dageen dalkaas markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya.

“Diyaarad 30 sano meel taallay oo duur la dhigay, oo aan dayactir helin, waxay hadda ka dhigan tahay wax la tuuray,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada cirka Soomaaliya, Maxamuud Sheekh Cali.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Kenya aysan xiriir kala soo sameyn xaraashida diyaaradahaas, oo ay lahaayeen ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

“In ay diyaarado Soomaaliya leedahay ay xaraashayaan waan arkay, laakiin cid nala so xidhiidhay oo Kenya ahi ma ay jirin.”

“Adigu haddii aad baabuur inta meel dhigto uga tagto oo uu 30 sano yaallo, baabuurkaasi waa wax la tuuray saw maaha? Markaa waxaa la gadayaa waa birihi, ee maaha wax hadda diyaarad ahaana loo iibinayo.”

Kenya ayaa soo bandhigtay diyaarado ay ku sheegtay inay yihiin kuwa aan la isticmaalin muddo dheer, kuwaas oo kala yaalla garoomada dalkeeda, sida Jomo Kenyatta International Airport, Moi International Airport, Lokichoggio Airport iyo Wilson Airport.

Waxay dowladda Kenya sheegtay in dhammaan diyaaradahaan la xaraashi doono marka la gaaro 17-ka bishaan November, waxaana lasoo dhigay goobaha lagu iibiyo diyaaradaha, waxaana kamid ah laba diyaaradood oo ku diiwaan-gashan 3C-ZZA iyo 8204 oo ah nooca AN24 oo ay lahaayeen ciidamada Cirka ee Soomaaliya. Sida lagu qoray qarasha lagu doonayo mid weliba waa KShs. 73,000 oo u dhiganta $730.

Diyaardihii ay laheyd Soomaaliya ayaa gacanta u galay dowlado kale, kadib burburkii ku yimid dowladdii uu hoggaaminayey Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, mana jirto illaa hadda hal diyaarad oo lagu soo celiyey gacanta Soomaaliya.