KENYA ooo qorshe xasaasi ah ka wadda’ JUBALAND

Beledxaawo (Caasimada Online) – Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in uu socdo qorshe ay dowlado shisheeye, oo ay Kenya ugu horeyso ku kala qaybinayaan deegaanada Jubaland, waxna looga bedelayo dastuurka Dowlad Goboleedka Jubaland.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi ayaa tilmaamay in dowladahan ay Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) kala shaqeynayaan, sidii uu xafiiska ku sii jooggi lahaa, shanta sano ee soo socota, sida uu yiri.

Aadan Rufle oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Ayadoo Axmed Madoobe aanu sifo sharci ah ku joogin xafiiska baa waxaa socda wax ka bedel hadda lagu sameynayo Dastuurka Jubbaland, meeshii Madaxweynaha uu xukunka ka hayn lahaa afar sano, sida uu Dastuurku dhigayo in la rabo in lagu bedelo ama lagu qoro shan sano. Saddexda gobol ee Jubbaland baa waxaa la rabaa in lagu soo koobo laba gobol iyo bar, sida Gobolada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gobolka Gedo oo bar laga goosanayo.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Sida aad ogtihiin Axmed cid ma dooran, Kenyaa dad u afduubtay, Xildhibaano saddex qof hala keeno iyo mid halaga saaree ahayd, Dowladdii Soomaaliyeed way diiday, diidmadaasi ayada ah dowlado ajnabi ah baa socod siiyay.”

Waxa kale oo uu yiri “Macnaha waxa socdo waxaa weeye marka Dastuurka Jubbaland la bedelo in Kenya ay Axmed Madoobe siiso shan sano oo kale oo xafiiska uu ku sii joogayo, oo ka bilaabanaysa wixii ka dambeeya bisha 1aad (January) ee sanadka 2022.”

Aadan Rufle ayaa yiri “Barnaamijkan oo dowlado shisheeye ay gadaal ka riixayaan waxaa qayb ka ah Maamulka Puntland, siyaasiyiin iyo ganacsato, xuduntooduna ay tahay Xarunta NFD ee Garissa.”

Korneyl Rufle ayaa afka ku ballaariyay in yoolku yahay in dhulkaasi lagu hoos geeyo dalka Kenya, ka dib markii Kenya looga adkaaday dacwaddii muranka badda ee Somaliya kala dhaxeysay.

“Maadaama Kenya looga adkaaday kiiskii dacwadda badda waxaan ka digeynaa in labada gobol iyo barka ee lagu soo koobayo Jubbaland la hoos geeyo Kenya, ayadoo lagu saleynayo xuduuddii uu Ingiriiska kala dhex dhigay Gobolada Jubbaland iyo NFD, si lamid ah xuduuddii uu Ingiriiska ka sameeyay Reserve Area. Meesha hadda xuduudda la keenayna waxay badda u jirtaa 540km, ujeedka ugu weyna waa in dalka Soomaaliyeed lagu boobo,” ayuu yiri Rufle.

Rufle ayaa intaa ku daray “Ugu dambayn, maadaama Dowladdii Soomaaliyeed ay tabar yar tahay waxa uu baaqayagu yahay, dadka Soomaaliyeed iyagooba dowlad lahayn bay is xoreeyeenee inay iska xoreeyaan Kenya, oo ay kula dagaalamaan dhulka ay hadda ka joogto dalka, dhulkaas oo kala ah Gobolka Gedo, Degmada Ceelwaaq iyo nawaaxigeeda, Gobolka Jubbada Hoose, Degmooyinka Badhaadhe, Afmadow iyo Kismaayo.”