Siyaasi madax ka ah xisbi ka dhisan Somalia oo dacwad musuq ku wajahaya Sweden

Stockholm (Caasimada Online) – Xog uruurin laga helay dugsi waxbarasho ayaa muujisay in hoggaamiye xisbi Islaami Soomaaliyeed oo ka dhisan dalka Sweden lagu helay lunsasho iyo masuq maasuq lacago loogu talagalay goobo waxbarasho. 

Hoggaamiyahaasi ayaa sidoo kale madax ka ah xisbi siyaasadeed Soomaaliyeed caan ah oo ka howlgala maamulka Puntland.

Cabdrisaaq Cabdullaahi “Waaberi” oo sanadkii 2010-kii baarlamaanka Swedan kasoo galay magaalada Göteborg ayaa waxaa kusoo baxday fadeexad culus isagoo xiligan madax u ah xisbi siyaasadeedka Midnimo Qaran ee Puntland.

Dowladda Sweden ayaa Cabdirisaaq kala laabatay baasaboorkii iyo dhalashadii, iyadoo todobaadkiiba laba jeer iska xaadiriya xarunta booliska si loo weydiiyo su’aalo ku saabsan eedeymaha loo haysto, sida ay ku warrameen warbaahinta Sweden.

Eedeymaha loo haysto ayaa ka mid ah in uu si shaqsiyan ah u lunsaday lacag gaarayso 13 milyan oo Karoonka Sweden oo looga talagalay xarumo waxbarasho iyo goobo islaami ah oo uu wakiil ka ahaa.

Cabdirisaaq Waaberi oo xarunta Islaamiga ah ee Römosseskolan maamulayay tan iyo markii la furay oo ku beegneyd 1998-kii ayaa lagala noqday dhalashada Sweden kadib laga shakiyay inuu ka baxsado Sweden, wuxuuna todobaadkiiba  laba jeer iska xaadiriyaa xarunta Booliska.

Sidon kale, Cabdirisaaq Waaberi ayaa hadda wajahaya danbi culus maadaama baaritaanadii la sameeyay ay si hordhac ah u sheegayaan in lacagihii waxbarashada loogu talagalay uu u isticmaalay si qaldan iyo inuu masuqmaasuqay, waxaana laga yaabaa inuu wajaho xabsi muddo dheer kadibna dalka Sweden laga masaafuriyo.

Sidoo kale lacagaha uu masuq maasuqay waxaa qeyb ka ahaa mashruuc ay waday shirkadda Volvo ee Sweden iyo Somalia ay heshiis ku galeen sanadkii 1980-meeyadii si loo taageero kulluumeysatada Soomaaliyeed si loo helo doono yar yar iyo qalab kaluumeysi.

Fadeexadaani ayaa waxay ceeb ku tahay bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada Islaamka, maadaama magaca lagu masuqay dhaqaalahaasi ay tahay mid xarumo Islaami iyo goobo waxbarasho.

Dhanka kale waxay ceeb ku tahay ummada Soomaaliyeed iyo siyaasadooda maadaama uu Cabdirisaaq Waaberi uu madax u ahaa urur siyaasi ah una taagnaa murashaxnimada xubinimo xildhibaan baarlamaanka Somalia ka tirsan.

Xigasho: Aftonbladet.se

W/T: Ali Muhiyaddiin