DF oo jawaab kulul ka bixisay rasaaseyntii Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey shaqaaqadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan rasaastii lagu furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa marka hore sharraxaad ka bixiyey, sida ay wax u dhaceen, wuxuuna iska fogeeyey eedeynta loo jeediyey ciidamada Asluubta ee ah in iyagu rasaaseeyeeen kolonyada uu la socday madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud.

“Gaari Cabdi Bile ah ayaa maray askarta waxay aheyd inuu istaago oo yiraahdo madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud aan wadnaa askarta jidka ayey u fur laheyd waa lasoo dhoweyn lahaayeen ma dhihinee gaariga waa gudbay. Markuu gudbay waxay joojiyeen gaarigii dambe, si ay u hubsadaan baabuurkii gudbay dib ayuu rasaas usoo riday kaamiro ayaa jirto ummad badan ayaa joogtay magaallo weeye wax cad waaye waxaan aniga sheegaayo dhibaatada Cabdi Bilahaas ayaa sameeyey,” ayuu yiri taliyihu.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Haddii cidi xabad kuugu soo riddo waxay tahay aadan ogeyn adne aad xabad heysatid Faataxa lama aqrinaayee xabad ayaa loogu jawaabaa,”.

Taliyaha ciidamada Asluubta ayaa sidoo kale meesha ka saaray in falkan uu ahaa mid ku tala-gal ah, isla-markaana wararka la faafiyey ay yihiin kuwa ka fog xaqiiqda, isaga oo intaasi ku sii daray in kaliya la doonayo in la sumcad dilo ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Generaal Mahad ayaa xusay inay raalli-gelin uga fadhiyaan mas’uuliyiin uu sheegay inay u gafeen ciidanka amniga ee shaqada u hayey qaranka Soomaaliyeed.

“Masuuliyiinta dhahday waa nala soo weeraray raalli-gelin hana siiyaan, isbaaro nooma taalo ee waa bar hubin, gaadiidka ciidan ee galbinayey ayaa bilaabay rasaasta. Waxaan codsaneynaa annaga in aysan na dacayadeynin, waxaan aheyna ay nagu sheegin askartoodii baa nahay, iyagaan ilaalineynaa,” ayuu markale yiri Mahad Cabdiraxmaan.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada Asluubta ay wadada u joogaan amni xaqiijin, isla-markaana aysan jirin cid ay beegsanayaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dowladda Soomaaliya loogu baaqay inay jawaab deg deg ah ka bixiso falkaasi, isla-markaana ay baaris ku sameyso dhacdadaasi.