Xoghayaha guud ee QM oo dacwad culus ka gudbiyey Soomaaliya iyo dalal kale

New York (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada aan weli bixin qoondadooda miisaaniyadda UN-ka, taas oo ay ku weyn doonto xuquuqdeeda cod-bixinta.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa warqad ka dhan ah Soomaaliya iyo dalalka Comoros iyo Sao Tome u diray Volkan Bozkir oo ah madaxweynaha golaha loo dhan-yahay ee Qaramada Midoobay, sida ay shaacisay wakaaladda AP.

Mr Guterres ayaa marka hore madaxweynaha golaha loo dhan-yahay la wadaagay warqadda xasaasiga ah oo uu ku sheegay inay xuquuqdooda cod-bixinta ku weyn doonaan wadamadaasi ee ay ku jirto Soomaaliya.

Lacagta laga rabo Soomaaliya ayaa gaareysa illaa $ 1,443,64, iyada oo kadib heli doonto xuquuqdeeda codbixinta, gaar ahaan wixii ka dambeeya bisha soo aadan ee September.

Qoraalka uu Guterres soo saaray sidoo kale wuxuu ku sheegay in ay weli wadamadan ka codayn karaan kal-fadhiga hadda socda, balse oo ku eg bisha Sebtember ee sanadkan.

Sidoo kale Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo oo iyaguna lagu leeyahay qoondada miisaaniyadda howl-galka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay weyn doonaan xuquuqdooda codbixinta ee Golaha Guud ee 193-ka xubnood, sida lagu sheegay warqadda.

Si kastaba, Axdiga Qarammada Midoobay wuxuu dhigayaa in xubnaha deyntoodu ay le’eg tahay ama ka badato xaddiga tabarucaadkooda labadii sano ee ka horreysay ay lumiyeen xuquuqdooda codbixinta.