Sawirro: CC Shakuur oo dib usoo celiyey boorarkiisa xilli uu billowday is-xulufeysi

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax Madaxweyne ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dib u soo dhejiyey boorarkii ololaha doorashada ee magaalada Muqdisho muddo ka badan bil kadib markii uu fujiyey, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xisbiga.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur ayaa maanta dib u soo dhejiyey boorarkii ololaha doorashada. Bil kahor ayey ahayd markii uu sheegay Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir in uu hakiyey ololihii doorashada, dejiyeyna boorarkii xayeysiinta kaddib markii Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo uu ku dhawaaqay labo sanno oo muddo kororsi ah.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xilligaas sheegay in ay dhamaatay rajadii laga lahaa in doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya, sidaas darteedna uu Muqdisho kasoo fuqsaday boorarkii musharaxnimadiisa, kadib markii uu ogaaday in aysan muuqan ififaalo muujinaya doorasho.

Si kastaba, wixii markaas ka dambeeyey waxaa laga laabtay muddo kororsigii, waxaana Muqdisho lagu saxiixay 27-kii May heshiis ay gaareen ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada dalka, oo dhigaya in 60 maalmood gudahood ay dalka doorasho uga dhacdo.

Waxaa hadda Muqdisho ka billowday ololaha doorashada ayada oo ay dhismayaan isbaheysi cusub oo badankood ku saleysan hab beeleed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shalay qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay inuu kulan talo wadaag ah la yeeshay murashaxiinta kala ah Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Dr. Cabdinaasir Cabdulle Maxamad, oo ay kasoo wada jeedaan beesha Habar-gidir.

“Waxaan isdhaafsanay ra’yi iyo talo lagu xoojinayo wadashaqayteena iyo fursadaha doorashada,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.