Maxay culimada Soomaalida ka yiraahdeen go’aanka Sacuudi Carabiya ee la xiriira sameecadaha Masaajidda?

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa weli kusii adkeysaneysa tallaabadii ay ku xadiday sameecadaha masaajidda oo dhigeysay in aan laga maqlin meel ka baxsan masaajidka gudihiisa, midaasi oo ka dhigan in aadaanka aan laga dheereyn karin saddex meelood meel kamid ah muggooda ama 33%.

Wasiirka Arrimaha Diinta ee Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii difaacay amarkaas oo muran badan dhaliyey, isagoo ku dooday in go’aankaas uu yimid kadib cabasho badan oo ka timid shacabka.

Amarka oo sidoo kale isticmaalka sameecadaha ku xaddiday kaliya aadaanka, kana reebay khudbadaha iyo wacdiga kale, ayaa horseeday in si weyn looga fal-celiyo baraha bulshada, taasi oo keentay in mas’uuliyiinta dalkaas ay difaacaan go’aankaas.

Haddaba, go’aankaas ayaa waxaa ka hadlay Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, wuxuuna si adag uga horyimid tallaabada ay dowladda Sacuudiga ku xadideyso in aadaanka laga maqlo meel ka baxsan masaajidka.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in kor loo qaado aadaanka ay tahay arrin sunno ah oo aad loo adkeeyay, ayna tahay wax laga xumaado tallaabadaas, ayada oo aan waxba laga qaban macsiyada, oo heesihii iyo durbaanadii sidoodi yihiin.

“Mida aan la qaadan karin waa in la aamusiyo codkii baxayay ee salaadihii faralka ahaa ee la tukanayey, lana dhiirigeliyo macsiyadii oo meelihii lagu tumanayay durbaanadii kor loo qaado, taas ayaa arrin kale ah oo ujeedo kale ku lifaaqan tahay,” ayuu yiri Sheekh Diri.

Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray cudur daarka dowladda Sacuudiga ay u cuskatay go’aankaas, wuxuuna sheegay in dadka badankooda ay soo jeedan waqtiga shanta salaadood ayna tahay inay tukadaan.

Wuxuu xusay in dadka cabashada ka muujiyey aadanka ee dowladda gundhig uga dhigatay go’aankeeda ay dhici kartaba inay yihiin dadka dalxiisayaasha ee booqashada ku taga dalkaas, maadama uu hoos u dhigay suurta-galka ay dadka muslimiinta ah cabasho uga gudbin karaan aadanka.

Si kastaba, Sacuudiga oo ah dal ay ku yaallaan kumanaan Masjid, ayaa waxaa ka taagan dood adag oo ka dhalatay go’aankaas, ayada oo dad badan ay soo dhoweeyeen tallaabada ay dowladda ku yareysay dhererka sameecadaha, hase yeeshee sidoo kale dad badan ayaa aad ugu dhaliilay baraha bulshada.