DFS oo Jeelka dhigtay ajaanib badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada DF Somalia ee ku sugan Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, ayaa jeelka dhigay Ajaanib farabadan oo halkaasi lagu qabqabtay.

Ajaanibta jeelka la dhigay ayaa la sheegayaa inay kasoo jeedan dalka Kenya islamarkaana ay kor u dhaafayaan 90 kuwaasi oo Degmada Beled Xaawo u joogay qaab ganacsi iyo macalinimo.

Xirxirida Ajaanibtaani, ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii Ciidamada Kenya ay xirxireen Sodomeeyo soomaali isugu jira ganacsato iyo xoolo dhaqato xili ay ku sugnaayen deegaanada dhaca xadka kala bara Somalia iyo Kenya.

Dhanka kale, Maamulka Degmada Beled Xaawo ee DF Somalia, ayaa Maamulka Degmada Mandheera weydiistay in dadka ku xiran Beled Xaawo, ay ku bedeshaan dadka kale ee lagu xir xiray xadka labada dal.

Wada hadal ayaa waxa uu iminka u socdaa Labada maamul ee kala ah Beled Xaawo iyo Mandheera, iyadoona la filaayo in labada maxaabiis ay kala bedelan doonaan labada maamul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com