DF oo ka hadashay dadkii Amisom ay ku xasuuqday SOS iyo sida laga yeelayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacado kadib ka hadashay dhacdadii ciidamada AMISOM ku laayeen dad shacab ahaa oo ku sugnaa xaafadda SOS ee magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay la socoto dhacdadii ciidamada AMISOM dadka shacabka ah ay ku dileen ee ka dhacday degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku wado sida ay wax u dhaceen, ayna la xisaabtamayaan ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya gaar ahaan ciidamada dhibaatada saaka geystay.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay la socotaa dhacdo ay dad rayid ah waxyeello ka soo gaartay oo ka dhacday degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug leeyihiin ciidanka Nabad Ilaalinta AMISOM.

“Dowladdu waxa ay waddaa baaritaan la xiriira dhacdada maanta,iyadoo bulshada la wadaagi doonta wixii ka soo kordha, waxeyna Ka xuntahay waxyeelo gaarta shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Qarax lala eegtay ciidamada AMISOM xili ay marayeen SOS ayaa sababay in ciidamada ay si bareer ah dad shacab ah ugu dileen meel ka fog goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana ka dhashay banaanbax ay dadka deegaanka sameeyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com