Odayaasha K/GALBEED, doorashada ma dib dhigi karaan? (Aqri dastuurka)

Baydhabo (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed ayaa waxa ay maanta dib u dhigeen doorashadii maamulkaas ee la sugayey in ay 17 bishan ka qabsoonto magaalada Baydhaba.

Tallaabada odayaasha ayaa ku soo aaday maalin kaddib markii ay iyaguna is-casileen 13 xubnood oo ka tirsanaa gudigii doorasha oo ay ku jiraan gudoomiyihii iyo ku xigeenkiisii, kuwaas oo ka cawday fara-gelin ay sheegeen in dowladda dhexe ay ku hayso.

Sidaas darteed, muxuu dastuurka Koonfur Galbeed ka qabaa tallaabada ay qaadeen odayaasha, sharci ahaanse dib ma  dhigi karaan dastuurka? Aqri qodobada dastuurka ee arrintaas qeexaya.

Qodobka 60-aad: Waajibaadka golaha dhaqanka waxaa ka mid ah.

A) – ka shaqeynta nabadda iyo maslaxadda umadda Koonfur Galbeed Soomaliya.

B) – Horumarinta dhaqanka suuban iyaga oo ku saleynaya shareecada Islaamka, iyagoo ka fogaanaya siyaasadda.

C) – Xilliga kala guurka ah odayaasha dhaqanka waxa ay marjac u noqon karaan markey la soo gudboonaato xaalad golayaasha dowladda, oo ay ugu yeeraan golayaasha ama mid ka mid ah.

D) – Golaha dhaqanka waxa ay noqon karaan garsoor lagu go’i karo markii loo baahdo.

Sidoo kale xarafka E ee qodobka 60-aad ee dastuurka ayaa caddeynaya mid ka mid ah owoodaha golaha dhaqanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

E) – Golaha dhaqanka waxaa laga talo galinayaa arrimaha waaweyn ee masiiriga ah markii ay baahi timaado.

Marka lagu salleeyo dastuurka Koonfur Galbeed iyo awoodaha uu siiyey Golahiisa dhaqanka, waxaa kuu soo bexeysa in tallaabadii ay maanta qaateen ay ahayd mid sax ah, maadaama Koonfur Galbeed ay gashay xaalad siyaasadeed oo cakiran, odayaashuna yihiin marjac lagu noqdo.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com