DF ma muquunin kartaa doorashada K/Galbeed?

Baydhabo (Caasimadda Online) – Iyadoo wakhtiga loo qorsheeyay iney dhacdo doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed ay ka harsan yihiin 11 maalmood oo qura ayaa waxaa cirka isku shareeray xiisado hareeyay suurtagalnimada iney doorashada qabsoonto xilligii loogu tala galay.

Guddoomiyihii guddiga doorashada Koonfur Galbeed iyo xubno kale oo guddiga ka tirsan ayaa iska casilay xilalkoodii, ka dib markii sida ay sheegeen ay howshooda ka qabsan waayeen “faragalin ay ku eedeeyeen dowladda federaalka”.

Shir jaraa’id oo is casilaaddaas looga dhawaaqayay ayaa waxaa xalay Baydhabo ku qabtay Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan oo ay wehlinayeen xubno kale oo uu ka mid yahay afhayeenka guddigaasi.

Waxa ay dhaliil culus u jeediyeen madaxda dowladda federaalka oo ay ku eedeeyeen iney “magaalada Muqdisho u kaxaysteen dhammaan xildhibaannadii baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed”.

Tallaabadan ayaa sida muuqata dhabar jab weyn ku noqonaysa qabanqaabada iyo diyaar garowga doorashada madaxweynaha oo ay ku tartami doonaan murashaxiin fara badan oo saameyn siyaasadeed ku leh gobolka.

Tan iyo markii uu sii xoogeystay ololaha doorashada gobolkaas waxaa soo baxayay warar sheegaya iney jiraan lacago lagu bixinayo qaar ka mid ah murashaxiinta, ayadoo dowladda dhexena lagu dhaliilay iney si toos ah u garab taagan tahay murashaxiinta qaarkood, hase ahaatee BBC-da si rasmi ah uma xaqiijinin arrimahaas.

Cabdirashiid Khaliif ayaa ra’yi ahaan qaba in dowadda dhexe ay leedahay awood ay ku sameyso maamul ay raali ka tahay.

“Dowladdu iney musharaxiin wadato arrin qarsoodi ah ma aha. Iney dad taageersan tahay ceeb ma aha laakiin ma aha iney awooddeeda dul dhigto gobolkaas iska nugul. Haddii ay awood adeegsato way suurta galin kartaa in maamulka loo dhiibo cid walba oo ay iyadu rabto, taasna wax aan khasaare ahayn kama faa’iideyso. Dowladda dhexe si ay sumcad uga kasbato caalamka waa iney yeelato bisayl siyaasadeed, sidii horayba Aadan Cadde loogu yaqaannay”.

Dhanka kale, Magaalada Baydhabo ayaa wakhti xaadirkan la ciir ciireysa ololaha siyaasadeed ee ay sameynayaan shakhsiyaadka danaynaya doorashada, taasoo aan iminka la hubin in wakhtigeedii ay ku qabsoomi doonto iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com