QM oo codsatay in cadaaladda la hor keeno Maleeshiyaad ku sugan Cadaado

Cadaado (Caasimadda Online) – Xafiiska Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerar lagu qaaday Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey kuwaas oo lagu rasaaseeyay jidka u dhaxeysa Cadaado iyo Galkacyo Sabtigii 3-Nov-2018

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarka oo dhacay 3dii Bishan loo geystay kolonyo ka mid ahaa Gaadiidka Qaramada Midoobey oo diyaarinayay booqashadii ergayga xog-hayaha QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo booqan lahaa Dhuusamareeb, Kolonyada waxaa la socday tobaneeyo saraakiil boolis ah oo ka socday Koonfurta Gaalkacyo.

Warka ka soo baxay Xafiiska Nicholas Haysom,waxaa lagu xusay in 8 Nin oo aan heysan dharka Booliska laakiin isku sheegay Boolis ay Kolonyada ku joojiyeen inta u dhaxeysa Cadaado iyo Gaalkacyo,markii Kolnyada loo diiday in ay gudbaanna ay go’aansadeen in ay dib ugu laabtaan Gaalkacyana Gaari ay Ciidanka goobta joogay ay wateen looga furay Rasaas aan khasaare nafeed geysan.

Kolonyada waxaa la socday tobaneeyo saraakiil boolis ah oo ka socday Koonfurta Gaalkacyo saacadihii dambe ee galabnimadii Sabtida markii lagu joojiyay bar-koontarool oo shan kiiloomitir banaanka ka ah Cadaado ayna joogeen sideed rag ah oo sheeganayay inay yhihiin saraakiil boolis. Midkoodna ma xirnayn dharka/lebiska booliska, laakiin waxay diideen inay marin siiyaan kolonyada oo gelbinaysay koox shaqaale QM ah oo loo xil-saaray gogol-xaarka booqasho ku wajahnayd Dhusamareeb oo madaxda QM ku tegi lahayd halkaas.

Kadib markii saraakiishii QM go’aansadeen inay baajiyaan hawsha [socdaalka shaqo] oo ay dib ugu laabtaan Galkacyo, ayaa gaari xamuul qaad ah oo ay saarnaayeen maleeshiyaad wuxuu soo dhexmaray barta kontorool wuxuuna rasaas ku furay kolonyadii QM. Ma jiro qof kamid ah xubnaha kolonyada oo ku dhaawacmay, mana jirto waxyeelo kasoo gaartay gaadiidka QM dhacdadaasi rasaasaynta ah.

“Weerarkii todobaadkii hore loo geystay kolonyada QM ma aha wax la qabali karo, waxaana ugu baaqaynaa madaxda dowlad goboleedka Galmudug iyo Dowladda Federaalka ah inay la xisaabtamaan maleeshiyaadkii rasaasta ku furay saaxiibadeen. Weerar noocaas oo kale ah looma geysan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya muddo aad u fog.” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom. “Shaqaalaha Qaramada Midoobay waa in loo ogolaado inay si xor ah ku dhexmaraan Soomaaliya waqti kasta. Waa inay awood u helaan gudashada waajibaadka shaqo ee UNSOM iyo hey’adaha QM, sanduuqyada iyo barnaamijyada iyagoo aan khatar ugu gelin in la rasaaseeyo sabab la’aan.”

Nicholas Haysom ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug  ka codsaday in ay la xisaabtamaan ciidankaas,waxaana uu qoraalkiisa ku sheegay in fal noocan ah uusan waayadan ka dhicin degaannada Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com