Aqriso magacyada dadkii Amisom ay ku xasuuqeen Xamar + Daawo muuqaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Midowga afrika gaar ahaan kuwa Burundi ayaa saakay waxa ay agagaarka Isgoyska ex-koontorool Balcad ku dishay Afar ruux oo la sheegay inay ahaayeen dhamaantood Shacab.

Dilka ayaa yimid kadib markii kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM qarax miino lala eegtay,isla markaana rasaas ay fureen Ciidamada AMISOM ay dadkaasi ku dhinteen.

Waxay kaloo sheegeen haddii dowladda Soomaaliya Cadaalada ay horkeeni waydo ciidamada AMISOM ee laayay dadkaasi shacabka ah in si deg deg ah go’aan ay u qaadanayaan oo ay iska dhicinayaan ciidanka Burundi.

Magacyada dadka AMISOM ay laayeen, ayaa waxa ay kala yihiin.

Qaasim Daahir Khayre Darawal
Xasan Yuusuf Siyaad Darawal
Cali Shire Ugaas Darawal
Axmed Maxamud Bajaajle Darawal

Ehelada dadkii ay laayeen ciidamada AMISOM, ayaa waxa ay sheegeen falkaasi inay gaysteen ciidanka Burundi oo ka tirsan AMISOM,waxayna ka dalbadeen dowladda Soomaaliya in Cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com