Doorashada K/Galbeed oo dib loo dhigay iyo go’an kasoo baxay odayaasha

Baydhabo (Caasimada Online) – Golaha dhaqanka Koonfur Galbeed oo ah cidda leh go’aanka kama dambeysta ee arrimaha doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa goor dhow waxa ay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kaga dhowaaqeen in dib loo dhigay doorashada maamulkaasi oo la filayey iney dhacdo 17-ka bishan November.

Golahan oo cuksanaya qodob ka mid ah dastuurka Koonfur Galbeed ayaa go’aamiyey in doorashadaasi dib loogu dhigay sababo la xiriira farogelinta ay sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku hayso doorashada.

Waxa ay dowladda ku eedeeyen iney lacago laaluusha siisay xildhibaannada qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamabka Koonfur Galbeed oo loo soo daabulay magaalada Muqdisho toddobaadkii tegay..

Sidoo kale, Golahan ayaa dusha ka saaray dowladda dhexe gaar ahaan madaxda ugu sarreysa wax walbo oo dhacay oo ku saabsan doorashada.

Ugu dambeyn, doorashadan ayeey sheegeen in qabashadeeda la go’aamin doono marka la helo xaalad siyaasadeed oo deggan.

Hadalkooda ayaa yimid kadib markii xalay ay is-casileen inta badan xubnihii guddiga doorashada Koonfur Galbeed, oo ay ku jiraan guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, kuwaasi oo iyagana sheegay inay isku casileen faro-gelinta dowladda dhexe.

Halkaan hoose ka dhageyso go’aanka odayaasha

Caasmada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com