Wafdi culus oo ka socda Turkeya oo berri Muqdisho imanaya iyo ujeedkooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, waxaa Berri Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya soo gaari doono wafdi culus oo ka socdo dalka Turkiga.

Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Turkiga Hulusi Akar, waxaana kamid ah wafdigan Taliyaha Ciidamada Turkiga iyo Madaxda ugu sarreyso Saraakiisha Ciidamada.

Sida aan xogta ku helany, ujeedada wafdigaan ayaa ah sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska Ciidamada Soomaaliya.

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socdo qaban qaabada soo dhaweynta wafdigaan, waxaana la filayaa inay kulamo la qaataan madaxda ugu sareyso dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawiso dib u dhiska Ciidamada waxayna saldhig weyn ka sameysteen Duleedka Muqdisho halkaas oo lagu tababaro ciidamo badan oo ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa xiriir wanaagsan la leh dalka Soomaaliya tan iyo markii uu dalka madaxweyne ka ahaa Shiikh Shariif Sh. Axmed markaas uu Madaxweynaha Turkiga Erdogan safarkiisii ugu horeeyey ku imaaday Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com