Isimada Puntland iyo Gaas oo isku khilaafay habka loo wajahaayo dowladda dhexe

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Gaas ayaa luminaya shacbiyada gudaha ee Puntland waxaana taas loo sababeynaya qaabka uu ula dagaalamaayo Villa Soomaaliya.

Cabdiweli Gaas oo xukunkiisa ay labo bilood ka harsan tahay ayaa fure u noqday khilaafka Dowlada dhexe iyo Dowlad goboleedyada. Gaas oo ay Farmaajo saaxiib hore ahaayeen ayaan joojin inuu jilaafeeyo tan iyo maalinkii la doortay 8dii Febraayo 2017.

Shacabka iyo siyaasiyiinta Puntland waxaa ay dhowr jeer muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin Dowlada dhexe, laakiin marnaba Gaas masuuliyad iskama saarin rabitaanka bulshada deegaanka.

Sida aan xogta ku helnay, Isimada iyo waxgaradka Puntland ayaa tiro labo jeer ah la fariistay madaxweyne Gaas iyagoo u sheegaya in uu wax ka badalo sida uu ku wajahaayo Dowlada dhexe xili ay Puntland dooneyso iney doorasho aado bisha Janaayo ee sanadka soo aadan.

Isimada ayaa madaxweyne Cabdiweli ku yiri “Waqti badan iyo qarash badan ayaa Puntland uga baxayaa dagaalka Dowlada dhexe, taageero badan ayaan ku weynay oo Puntland lagu hormarin lahaa ee fadlan arrinta aan si kale u xalino”

Wararka ayaa sheegaya in Gaas oo aan rajo badan ka qabin in dib loo soo doorto, uu isimada u sheegay in arrinta isaga iyo Farmaajo ay tahay siyaasad gaar ah waxaana uu sheegay in uu ka guuleysan doono.

Waxaa ay odayaasha reer Puntland sheegeen in doorashada soo aadan aan looga maarmin Dowlada dhexe, laakiin waxaa muuqata inuu Cabdiweli arrintaas iska indha-tiraayo.

Walaac badan ayaa ka jira qaabka ay u dhici doonto doorashada soo aadan ee Puntland. Isimada ayaa la sheegay iney ka tageen Cabdiweli iyagoo ku cel celinaya “Sidaan uma wacna Puntland”.

Waxaa la aaminsan yahay in is faham-waaga Gaas iyo Isimada ay fursad siineyso musharaxiinta kale ee doonaya madaxtinimada Puntland. Saxaafada Puntland waxey sheegtay in isimadu ay waligood difaaci jireen Gaas balse hada ay ka quusteen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com