Xaaladda amni ee garoonka Muqdisho kadib diyaaradihii hakiyey duulimaadyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, waxaa soo baxayay digniino ku aaddan weerarro argagixiso oo lala maagan yahay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho.

Talaadadii la soo dhaafay, Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya ‘weerarro laga cabsi wabo’ oo ka dhici kara goobo badan oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Saacado kadib digniinta Mareykanka, shirkadaha diyaaradaha ee Qatar Airways iyo Turkish Airlines ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi lahaayeen Muqdisho, inkast oo aysan caddayn xiriirka ka dhexeeya duulimaadyada la hakiyay iyo digniinta Mareykanka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal oo wareysi siisay Idaacadda VOA, ayaa sheegtay in wax khatar ah aysan dalka ka jirin, isla markaana ay helaan xogta ammaanka dalka iyadoo dhameystiran.

“Ma jirto khatar kaliftay in duulimaadyadaas ay ka baaqdaan Muqdisho, sidoo kale ma jiraan wax nalala wadaagay oo khatar ah,” ayey tiri Wasiir Fardowso Cismaan Cigaal.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ay su’aalo ka weydiiyey sababta ay u baajiyeen safarkoodii Muqdisho, isla markaana ay sheegeen in digniintaas ay la kulmeen.

“Waan u cadeynay in digniintaas aysan naga soo bixin, mid ay dowladda Soomaaliya ku shaqeysatana uusan aheyn, marka waa nala qaateen dhowr beri ayey duulimaadyadooda kansalee, lkn ugu dambeyntii waa ay naga aqbaleen,” ayey hadalkeeda ku sii dartay waaiirka gadiidka Fardowso Cigaal.